Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ninkii Iyo Naagti Ka Dambeyey Dilkii Marxuum Xasan Aloore Oo Laba Sano Xariga Lagu Xukumay

Thursday - October 13, 2011

Garoowe- Waxaa maxkamada Darajada Koowaad ee degmada Garoowe xukun min labo sano ah ku riday Labo eedaysane oo mudo ku dhow Labo bilood lagu hayey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kadib markii ay eheladi marxuum Caaqil Xasan Xuseen ay dawlada u keenen cadeymo muujinaaya in qorshaha dilka Caaqilka ay ka dambeyeen Jaamac Cali Tarabi oo ah xisaabiyaha ka tirsan Munishipiyada Gaalkacyo iyo Fadumo Gama'diid oo ahayd agaasinka hotelka Qaboobe ee Gaalkacyo, waxaana jirta in eedeysanihi reer Baydhabo ee loo qabtay dilka Xasan Aloore laga duubay cajalad u ku qirtay in qorshaha dilka isagu fuliyey ayna kharajka iyo hubkaba u soo dhiibeen labadaas hadda min labada sano lagu xukumay.

Edeysana-yaashaas oo Gaalkcyo laga soo qabtay 18kii biishi August ee sanadkaan waxaa illa mudadaas lagu hayey xabsiga Garoow, iyadoo dhawr jeer celcelis kiiskooda la keenay maxkamada degmada oo ugu dambeynti kiiskii min laba sano maxkamadi ku xukuntay. 

Waxaa la sheegay in ku dhawaaqi go'aankii Maxkamada ay shook iyo himad-jab ku noqotay eheladi marxuum Xasan Allore, oo ay xukun-kaas ku tilmaameen gar-qaad ulakac hantaatac ah iyo gars-maroojin xagal-daacsan oo ka fog xaqiqada isla markaana lagu fasahaadiyey karaamadi iyo xushmadi loo dhigay cadaalad oo ahayd iney ilaashaan, waxayna eheladaas iyagoo arintaa ka gil-gilanaayo warkooda ku dareen in mudaba ay indha-indheyn ula socdeen gogol-xaarka iyo loobin heshiis loo sii sameeyey dambilayaashaas in maxkamadu sidaan dhawaaqeeda loogu jiheeyo.