Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Muftiga Dalka Masar Oo Maxkamad La Tiigsaday Shiikha Weyn Ee Abu- Isxaaq Al- Xuwayni

Thursday - October 13, 2011

Cairo- Muftiga Dalka Masar Digtoor Shiikh Jumca ayaa dacwad lidi ah ku soo oogay Shiikh Al-Xuwayni, oo isagu deeq ilaahay kala dhi-dhiga cabqariyadna ku ah cilmiga diimeed guntiisa oo wixi afkiisa ka soo baxa la kala boobo, ayaa iminka dacwad loo haysta loo gudbiyey maxkamada sare ee dalkaas Masar.

Digtoor PHD Shiikh Jumca oo isagana diinta ku cireystay waxuu u ku dacwoonaya in shiikh al-Xuwayni uu meel kaga dhacay magaciisa iyo maqaam-kiisaba darajo, halkaas oo u sheegayo in Shiikh al-Xuwayni mar lagu casumay barnaamij ka baxa Tv-ga al-Xikma in uu ku sheegay Mftiga Masar Shiikh Jumca in uu yahay nin ka seexday amase dayacay arimaha diinta yahayna nin ah meyd iyo bakhti aan waxba kala wadeyn oo haddana isu qaatay inu wax yahay

Waxuu intaa raaciyey muftiga in meel kaga dhacaas magaciisa iyo aqoontiisa meel lagaga dhacay ay keeneyso in maxkamad la soo joojiyo shiikh al-xuwayni laguna xukumo xarig iyo lacag dhan oo gaari-karta 10.000 Geniga Masaarida.