Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Kontorolki Konfurta Gaalkacyo Oo Si Rasmi Ah Maamulkiisa Loogu Wareejiyey Beesha Lelkase

Friday - October 14, 2011

Waxaa maanta si toos ah oo sharciyeysan maamulkii Kontorolk Konfurta Gaalkacyo loogu wareejiyey ciidamo ka tirsan beesha leelkase oo iyagu inti waqti ahba halkaas horay u si maamuli-jirtay laakiinse dhabaqi shidada macno-daro oo biishi Septembar dhacay awgi ayaa hawlgalkiisa lyo maamulkiisaba muran iyo ilaaqtan badan labada dhinac soo dhex galeen taaso ugu dambeysti talo ku soo aruurtay in beesha ay maamul ahaan gacanta ku hayso, waxaana xusid mudan in maleeshiyadi halkaas ku sugneyd dawlad ahaan loo askareeyey

Sida warku nagu soo gaarayo waxaa xil wareejintaas goobjoog ka ahaa masuullin sar sare oo ka mida maamulka Puntland iyo kan mudugba iyo gaar ahaan odayaasha iyo saraakisha beesha Leelkase, oo dhamaantood halkaas khudbado caqli gal ah oo gaa-gaaban ka jeediyey .. waxaana saraakiisha halkaas ka khudbadeeyey ka mid ahaa Jeneraal Basiir Saciid ( Basiir Jaqaf) oo isagu dahwaan ka tagay carriga Mareykanka, isla markaana la sheegay inu kontoraalkas u sameeyey xeer maamul iyo hogaan kala dambeyn leh oo ku jeheysan sugida amaanka guud iyo marjac lagu kontorolo masuuliyada dakhliga xoolaha dadweynaha.