Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ciidamo Huwan Ah Oo Hawlgal Dagaal Ku Qaban-doona Jubada Hoose Kismaayo

Friday - October 14, 2011

Muqdisho- Ciidammo huwan ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Maraykanka, Faransiiska, kuwa Midowga Afrika ee ka hawlgala Muqdisho iyo kuwa dawladda KMG ah, ayaa la sheegay inay qorshaynayaan weeraro culus cir iyo dhul oo la filayo inay maalmaha soo socda ku qaadaan magaalada Kismaayo eoo ah xarunta ugu weyn ee kooxda Al-shabaab ku leedahay degaannada ku teedsan xadka Kenya iyo Soomaaliya,

Sida lagu baahiyey xalay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Burundi oo ciidamo nabad-ilaalineed ka joogaan oo dhowaan socdaal ku tegay Muqdisho, ayaa la sheegay inuu madaxda dawladda DKM ku wargeliyey in ciidammada AMISOM duullaan ku qaadi doonaan magaalada Kismaayo iyo degaannada Al-shabaab ka taliyaan ku yaal xuduudka u dhexeeya waddamada Kenya iyo Soomaaliya, qorshahaas oo Shiikh Shariif-na si weyn ugu riyaaqay.

Wasiirka Difaaca ee Burundi waxa uu masuuliyiinta dawladda KMG taagta ku wargeliyey inay hawlgalka AMISOM ku weerarayaan Kismaayo ay ka qaybqaadan-doonaan ciidammada Kenya oo beryahanna dhoobnaa xaduudka dalkaasi la wadaago Soomaaliya.

Warku waxa uu intaa ku daray inay duullaanka huwan ee ku jihaysan magaalada Kismaayo ee xarunta ah xoogagga Al-shabaab ay ka qaybgeli doonaan malleeshiyo-beeleedyo Soomaali ah oo ku sugan degaannada gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya iyo xuduudka Kenya, iyadoo malleeshiyooyinkaasi weerarkii ugu horreeyey ku qaadeen shalay fadhiisimada Al-shabaab ee dagaannadaas.

Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda, ayaa toddobaad ka hor baahiyey war uu ku sheegay in xoogagga AMISOM oo taageero ka haysa ciidammada dalka Mareynkanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay saanad milleteri geeyeen degaannada ku dhow xaduudka oo ay ku sugan yihiin malleeshiyo-beeleedyo taabacsan dawladda KMG, goobaha hubkaas la geeyey oo wargeysku xusay inay yihiin meelaha loo qorsheeye la filayo duullaanka culus ee ku wajahan Kismaayo oo sidoo kale ay ka qaybgeli doonaan ciidamo ka kala socda waddamada Maraykanka iyo Faransiiska.