Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Boqorkii Somaaliland- Boqor Cismaan Oo Xabsi Suyucan La Dhigay

Monday - November 21, 2011

Dubai: Boqor Cismaan Buur- Madow oo ka mida golaha hogaanka madax-dhaqamedyada tolka cariga Somaliland ee sida weyn u dhallila Siyaasada xukumada madaxweyne Silaanyo ayaa la sheegay in ciidama ka tirsan nabadsuguda imaaraadka carabta ay ka taxaabeen madaarka magaalada Dubai una si taxaabeen xabsi aan la garaneyn halka u ku yaal.

Boqorka waxaa la sheegay in la qabtay xili u ka soo laabtay dalka Sacuudiga iyo gudashadi waajibaadka Xajjka..illa hadana sida u sheegay walaalki la dhashi oo baadi-goobkiisa ku hawlan lana yiraahdo Maxamed Maxamuud lama garanaayo ayuu yiri meesha lagu xiray iyo sababta loo xiray toona, waxaana u sheegay inu ka walwalsanyahay walaalkiis boqorka in lagu xiro meel aan ku habooneyn caafimaadkiisa awgii

Boqor Cismaan waxaa bulshada Somaliland intooda badan ku eedeysa in fikirka siyaasadiisa maldahan ay u jan-jeerto xagaa iyo midnimada Somaali-weyn oo u jeclyahay inu maalin maalmaha ka mida arko mogdisho oo wax ka hagaagaan si u soo afjarmato caashaqa goni-goosadka.