Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wadanka Imaaraadka Carabta Oo Taageeray Hawlgalka Ciidamada Kenya

Tuesday - November 22, 2011

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa ku Biirtay Dalalka Taageeray Hawlgalka Ay Ciidamada Kenya Ka Wadaan Konfurta Somaaliya kadib Booqasho u dalkaas Ku tagay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki Xukuumadda Kenya ayaa waxay galaangal ugu jirtay tan iyo markii ay ciidamadeeda soo gelisay Koonfurta Soomaaliya sidii ay taageero ugu heli lahayd beesha caalamka, waxaana dhawaan ay sheegeen inay taageero ka raadinayaan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Hoggaamiyayaasha dalka  Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay Kenya ka taageerayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo awood badan ku leh Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay  sheegeen  inuu soo dhaweynayaan  hawlgalkaas.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa hore y u taageertay dagaalada ay dawlada Soomaaliya  iyo AMISOM kula jiraan  Al-shabaab, waxaana ay  noqonaysaa dawladdii ugu horeysay oo Islaam ah oo taageerta hawlgalka Kenya ay kawaddo Soomaaliya.

Madaxewynaha Kenya ayaa sheegay in hawgalka ay kawadaan Koonfurta Soomaaliya uu yahay mid ay ku doonayaan in ay meesha ka  saaraan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay mas'uul ka tahay falal ammaan-darro oo ka dhacay gudaha Kenya.

 Al-shabaab ayaa kal hore uga digtay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka inay taageeraan hawlgalka ay Kenya kawaddo Koonfurta Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go'an tahay inay la dagaalamaan ciidamada Kenya.