Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mareykanka:Hooyo ilmihi 20-aad Uurkiisa Leh Iyo Qoyskeeda Oo Loo Aqoonsaday Kan Ugu BalaaranDalka

Wednesday - November 23, 2011

Source Wargeyska Madaxa Banaan Ee Saxafi: Su’aalihii ugu badnaa iyo doodii ugu xiisaha badnayd ayaa ka abuurmay waraysi uu aabaha qoyska ugu balaadhan ee dalka Maraykanku siiyay mid ka mid ah telefishanada dalka Maraykanka, waraysigan ayuu aabahaas oo lagu magacaabo Jim Duggar uu shaaca kaga qaaday in afadiisa Michelle Duggar ay todobaadyo ka hor qaaday uurka ilmihii labaatanaad ee uurkeeda gala.

Markii uu aabaha qoyskaas oo hore loogu ogaa in caruurta ay afadiisa isku dhaleen ay hore uga koobnaayeen 19-carruur ah, ayaa dad badan waxa ay is waydiiyeen ama shaki ka muujiyeen sida ay suura gal u noqon karto arrintaasi, ama suura galnimada haweenay in ay labaatan ubad ah caloosheeda ku qaado.

Marar tiro badan ayay warbaahintu ka hadashay ama ka warantay nolosha qoyskan oo si wayn u koraysay sanadihii u danbeeyay, mar kastana ilmo u soo kordho, wakhtiyadii ama sanadihii u danbeeyayna ilaa heer la rumaysan kari waayo gaadhay.

Dad badani waxa ay doodahooda ka bilaabayeen caafimaad ahaan iyo dhibaatada ay hooyadaas ku yeelanayso dhalmada, korinta iyo qaadista uurka dhawr iyo toban caruur ah oo isku xiga, hasa yeeshee markii uu ilmihii shan iyo tobnaad u dhashay reerkan ayaa dad badani aad uga yaabeen isna waydiiyeen sida ay suura gal u noqon karto ama caafimaad ahaan hooyadani u xamili karto.

Geesta kale waxa jira dad iyaguna xisaab iyo falan qayn isla daba taagay qoyskaas, gaar ahaan wakhtigii ay is qabeen, sida la sheegay waxa qoyskani ay wada jireen dhawr iyo labaatan sanadood, waxaanu guurkoodu bilaabmay hooyadan oo da’deeda lagu sheegay 13-jir, hasa yeeshee dad badani imika rumaysan yihiin inay 11-jir ahayd.

Si kasta ha ahaatee ilmaha ugu wayn caruurta qoyskani waa sadex iyo laabaatan jir, waxaanay dadka wax xisaabiyaa, tiro dabada u qabteen, inta reerkaas kharash ka baxday, inta haweenaydani dhibaato kala kulantay, iyo miisaanka marka la isku geeyo naas nuujinta ay ubadkaas u samaysay ay ku keeni karto nolosheeda.

Kooxdan ayaa sheegaya in hooyadaasi luminayso lix boqol oo rodol oo miisaankeeda ah marka laga qiyaas qaato, 37-kun iyo sideed boqol oo jeer oo ay nuujisay muddadaa caruurta kala duwan ee labaatanka afka saaray ay naaska jaqayeen.

Dhinaca xisaabta waxa ay kooxahani ku doodayaan in dhaqaale ahaan ay isticmaaleen carruurtaasi 146-Milyan iyo 980-kun oo Xafaayadood, halka ay kumanaan waraaqaha musqulaha ahiyo waxyaabaha kale ee dadka kiristaanka ahii ugu dabaal degaan farxadaha iyo ciidaha ka isticmaaleen.

Waxa kale oo ay qooyskaasi ka isticmaalaan todobaad kasta ama bil walba dhawr tan oo raashin ah.

Isku soo wada duuboo qoyskan waxa la isku waafaqsan yahay inuu yahay ka ugu balaadhan dalka Maraykanka, halka Hooyada qoyskana loo aqoonsan yahay qofka ugu dhalmada badan dalkaas, inkastoo lagu kala tagsan yahay dhinacyada caafimaadka iyo nolosha iyo waliba xamilka ay u yeelan karto tirada intaa leeg ee carruurta ah ay dhashay.
Source: Wargeyska Madaxa banaan ee SAXAFI