Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wasirka Arimaha D. Itoobiya Oo Markaan Cadeeyey Iney Gudaha Somaaliya Kula Dagaalamayaan Al- Shabaab

Thursday - November 24, 2011

By Axmed Kulan: Markii dhawaan ciidamo Itoobiyaan ah ay ka soo talaabeen xadka ay wadagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay soo baxday hadal heynta ah in Itoobiya qeyb ka qaadaneyso howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay waxaa arintaa si toos ah uga warbixiyay wasiirrka arrimaha dibada dalka Itoobiya.

Waxaa uu sheegay wasiirka arrimaha dibada dalka Itoobiya Helmriam Dessaling in mar walba xukuumada Itoobiya diyaar u tahay in ay is bar bar taagto sida uu hadalka u dhigay dowladda ka jirta hadda dalka Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darray wasiirka in ay ka caawinayaan dowladda Soomaaliya dagaal ay kula jirto kooxaha argagixisada ee Al-shabaab iyo sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa dhulka ay hadda maamulaan maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

‘’Al-shabaab Soomaaliya oo kaliya caqabad kuma aha, ee sidoo kale waxaa ay khal khal dhinaca nabad-galyada ah ka abuureen guud ahaanba wadamada gobollka, sidaa daraadeed Itoobiya waxaa ay qeyb ka tahay dowladdaha ku howlan sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab ayuu yiri,’’ wasiirka.

Afhayeen u hadllay xukuumada Itoobiya ayaa kol hore sheegay in wali dowladda Itoobiya go’aan rasmi ah ka gaarin in ciidamo u dirto dalka Soomaaliya, laakiin hadalkaa hore ee afhayeenku sheegay waxaa ka danbeeyay warkan ka soo baxay wasiirka arrimaha dibada.

Urur gobolleedka IGAD ayaa kulan uu yeelanayo waxaa lagu wadaa in ay go’aan rasmi ah ka gaaraan sharciyenta ciidamada Kenya iyo Itoobiya, si markaa ay ugu biiraan dagaallka ka dhan-ka ah Al-shabaab.