Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Agaasimihi Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaaliland Ee Baxsadka Ahaa Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Thursday - November 24, 2011

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafka Somaliland Ibraahim Maxamed Ismaaciil ayaa la sheegay inuu Magaaladda Gaalkacayo gaaray ka dib markii Magaaladda Hargeysa dad badan uu ka dhacay lacago uu kaga qaaday Fiisayaal aan sax ahayn iyo waliba dad ganacsato ah oo la sheegay inuu lacag ka sii qaatay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu Somaliland kala baxsaday gaari Land-Cruiser ah oo la sheegay inuu leeyahay macradka gaadiidka ee JUMEERA oo ku yaala Magaaladda Hargeysa, waxaana la sheegay in ninkan qabashadiisa ay ka shaqeeyeen dad ay ehel yihiin oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan booliska Puntland oo magaciisu yahay Cabdicasiis Maraara.

Waxa la sheegay in qabashada ninkan sidoo kale uu ka shaqeeyay hogaamiye dhaqameedka beesha Agaasimaha baxsaday oo la xaqiijiyey in dad aqoon u lihi ay sahleen qabashadiisa.

Ibraahim Maxamed Ismaaciil ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey inuu dad shacab ah ka dhacay lacag lagu qadaray $ 14,000 doolar, taasi oo uu dadka ka qaaday isaga oo u sheegay inuu hayo baasaabooro una diyaarinayo inay dhoofaan, balse markii uu guud ahaan lacagtaasi gacanta ku dhigay uu gaariga uu la baxsaday ka kireystay macradka gaadiidka ee JUMEERA.