Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qurba-Joogta Reer Buuhoodle Oo Dayactir Ku Bilaabay Taaladi Darwiishkii Tilmaanaa Maxamed C. Xasan

Sunday - November 27, 2011

Buuhoodle– Qaar ka mid ah dadwaynaha reer Buhoodle iyo Qurba-joogta Degmadaasi ayaa bilaabay dayactir lagu samaynayo taalo xukuumaddii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre halkaasi uga dhistay Sayid Maxamed Cabdalla Xasan oo dagaal kharaar la galay gumaystihii Ingiriiska.

Qurbo-joogta reer Buuhoodle ayaa sheegay inay deegaanka loo yaqaano SAC-MADEEQO oo ku yaalo Ceel biyood la sheego inuu ka dhashay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan horaantii qarnigii 19-aad ay ka dhigayaan goob loo dalxiis taggo.

Sidoo kale, qurba-joogto waxay bilaabeen dayactir lagu samaynayo taalo dawladii Maxamed Siyaad Barre isla deegaankaasi uga dhistay Sayidka, taas oo mararka qaarkood dadka reer Buuhoodle booqasho u tagaan, halkaasi oo 10KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaaladda Buuhoodle.

Dadka deegaanka iyo qurba-joogta Maanta halkaasi booqatay ayaa waxa ay bilaabeen wejiga koowaad ee hawshooda, waxayna markiiba calaamadiyeen meelo laga hirgalinayo calaamado taariikhi ah, kuwaas oo dhinacyadda laga dhigay halka ay ku taalo taalada Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, waxayna tilmaameen dadka halkaasi hawsha ka bilaabay inay doonayaan inay ka dhigaan goob dalxiis oo dadku yimaadaan.

Axmed Cabdi Gurey oo ka mid ah qurba-joogta deegaanka isla-markaana hormuudka ah hawshan lagu dayactirayo taaladda Sayidka iyo goobahan dalxiis ee laga samaynayo halkaasi ayaa sheegay inay deegaankan ka hirgelinayaan goobo taariikhi ah oo jiilasha dambe xasuustaan, isaga oo sidoo kale xusay inay ka samaynayaan beero iyo dhul quxroon oo loo soo dalxiis tago mustaqbalka dhow.

Goobtan reer Buuhoodle ka samaynayaan deegaan dalxiis ayaa waxa Sayid Maxamed Cabdalla Xasan oo muddo 21 sanadood ah dagaal kula jiray gumaystihii Ingiriiska taalo uga dhisay sanadihii todobaatanaadkii dawladii Maxamed Siyaad Barre.