Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wafdi U Hogaaminaayo Raiisal Wasaare Digtoor M. C. Gaas Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweyey Dalka Qatar

Monday - November 28, 2011

Dha-Qatar: Wafdi heer sara ah oo hogaaminaayo raiisal wasaaraha somaaliya Digtoor Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Magaalada Doha ee Dalka Qatar, halkaasoo oo u casumaad rasmi ah ka helay dhigiisa raiisal wasaaraha dalka Qatar his excellency shiikh hamad bin Jasim bin Jabir al-Thni.

Riisal Wasaaraha Gaas ayaa sida la sheegay loo dhigay karabat gaduudan gegida dayaaradaha ee Doha halkaaso si heer sara ah loogu soo dhaweyey.

Raiisal Wasaaraha oo ay safarkiisa ku weheliyaan wasiisrka hawlaha guud iyo guryeynta mudane Jeylaani ikar iyo masuullin kale ayaa lagu wada iney kala hadlaan madaxda dalka Qadar xiriirka labada dal, arimaha abaaraha, dibu dhiska dalka iyo sidi dawlada Qatar ay qayb mug leh uga qaadan lahayd dadaalada faraha badan ay xukumadu FKMG ah wado.

Wafdiga raiisal wasaaraha ayaa la kulmi-doona raiisal wasaaraha Qatar iyo golihiisa wasiirada, sido kale waxuu la kulmi-doonaa amiirka dalka, hayadaha gargaarka, jaaliyada somaaliyeed ee Qatar iyo isagoo la hadli-doona ardeyda somaali ee dhigata jaamacdaha dalkaas Qatar.