Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Miino Bac Madow Lagu Soo Qariyey Oo Ku Qaraxday Haween Nadaafada Mogdisho Ka Shaqeynaayey

Wednesday - November 30, 2011

Mogadisho: Waxaa saakay Qarax nooca Miinada ah oo lagu soo qariyay Bac madoow lana soo dhigay wadada laamaiga ah hareeraheedda Degmadda dharkeenley ee magaaladda Muqdisho lagu qarxiyay Haween Soomalaiyeed oo si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay Olole nadaafadeed ee ka socday degmadaasi dharkeenley. Qaraxaasi oo ay soo dhigeen kooxdda Al-Shabaab ayaa waxaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday Haween gaaraya ilaa iyo 10- Haween ah, halka Tiro intaasi ka sii badana oo ay ku jiraan caruur iskuulay ah ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo ka dhacay halka loo yaqaan agagaarka suuq Liif ee Degmada Dharkeenley .. Guddoomiyaha degmada Dharkeenleey Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo la hadlaayay saxaafadda ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday haweenka nadaafadda iyo dad kale oo rayid ah oo goobta ka agdhawaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay in halka falku ka dhacay ay olole nadaafadeed ka wadeen haween Soomaaliyeed si ay u so celiyaan Bilicdi Degmada, laakin waxaa lala eegtay Miino lagu qarxiyay .. Waxaa uu tilmaamay guddoomiyaha in ay ku dhinteen qaraxa illaa 10 ka tirsan haweenka halkaasi ku sugnaa, isagoo sheegay in dhacdadaani lagu xasuuqay dad masaakiin ah oo ka shaqeenayay dan ummada Soomaaliyeed in ay tahay mid ay ku caan bexeen maleeshiyaadka kooxdda Al-Shabaab ee maalmahaan soo cusbooneysiiyay qaraxyadda ay u maleegaayaan ummadda masaakiinta ah. Subaxdii hore ee saaka ayey ahayd markii dhagar qabe ka tirsan meleeshiyaadka Al-Shabaab uu weerar ismiidaamin ah ku qaaday Xaruntii taliska ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed ee Villa Baydhabo, balse ay fashiliyeen Ciidamadda dawladda ee Xoogga dalka uu Alle waafajiyay in ay ka hortagaan falkaasi foosha xun.

Dhinaca kale qarax kaas la mid ah ayaa isla saka waxaa lagu qarxiyay Suuqii bacadlaha ee degamadda Xamar weyne, inkastoo aysan cidina wax ku noqon.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo taraayay qaraxyadda ceynkaan oo kale ah oo ay si isdabajoog ah u soo dhigaayeen kooxdda Al-Shabaab, kadib markii ay ku fashilmeen dagaaladii foolka foolka ahaa oo ay soo qaadi jireen markasta, waxayna dagaalkaasi ka door bideen inay dadka rayidka ah iyo ciidamadda dawlkadda ay wadooyinka u so dhigaan waxlaxa qaarxa kuwaasi oo saacadihii ugu dambeeyay si isdaba jog ah loogu arkayay dariiqyadda Muqdisho.

Xigasho Somaliweyn