Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Madaxweyne Jabuuti Ismaaciil C. Geelle Oo Sheegay In Aanu Mar Afraad Xil U Tartami-doonin

Friday - December 2, 2011

Djibouti-Madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xilka Madaxweynimo ka degayo sannadka 2016 oo ay ku eg-tahay mudada uu xilka haynayo.

Mr.Geelle ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeys afka Faransiis ku hadla oo lagu Magacaabo weekly Jeune Afrique, isaga oo wareysiga ku sheegay in aanu  diyaar u ahayn inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynimo.

"Sannadka 2016 waxaan doonayaa inaan ka tago xilka Madaxweynimo, waayo saddex jeer ayaan doorasho u tartamay, waxaana doonaynaa in ay markan noqoto markii iigu dambeysay," ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha  Djibouti  oo la weydiiyay su'aal ahayd in ay jiraan warar sheegaya in isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa ay doonayaan in marka uu xilka u dhammaado ay qaab qaxoontinimo ah ugu noolaadaan  ETHIOPIA  ama Saudi Arabia midkood ayaa taas gaashaanka ku dhuftay, waxaana uu sheegay in ay halkan joogayaan, isagw oo warkaas ku tilmaamay mid xan ah oo aanu waxba ka ogeyn.

Sidoo kale, mar la weydiiyay sababta uu ciidammo ugu dirayo Soomaailya ayaa waxa uu sheegay in sababtu ay tahay si ay Djibouti qayb uga noqoto hawlgallada lagu doonayo in nabad lagu soo celiyo Soomaaliya, kaasoo ay qayb ka yihiin Kenya, Uganda iyo Burundi.

Su'aal arritan daba taalay oo ah inuu ka baqayo in Al-shabaab ay weeraro la soo beegsadaan dalkiisa ayaa waxa uu  sheegay in ay taasi tahay khatar muuqata, balse uu rajeynayo in ay ka hortagaan, waxaa uu  sheegay in  Djibouti ay ka fog tahay Somalia.

Ugu dambeyn, Geelle waxa uu  sheegay in burcad-baddeeddu ay saameyn ku yeelatay dalkiisa, isaga oo sheegay in dhibaatooyinka dunida ay ku hayaan ay qayb ka tahay  Djibouti , waxaana uu ku baaqay in wax laga qabto daganaasho la'aanta Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay sabab u tahay burcad-baddeednimada.