Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

M. Zenawi Oo Sheegay Inu Qaab Milatari Ku Taageeri-doono Jabhadaha Ka Soo Horjeeda Afawarqi

Saturday - December 3, 2011

Adis Ababa:-Labada jabhaddood ee ESF iyo RSADO ayaa sheegay inay weerar culus ku qaadeen saldhiyo ay ciidanka Eritrea ku leeyihiin koonfurta dalka wadankaas, halkaasna ay ku dileen ilaa 17 askari .. Weeraradan oo dhacay subaxnimadii  shalay , ayaa waxa ay  ka dhaceen meesha la yiraahdo Enda Xaaji oo u dhaw Magaalada Tsorono ee ku taal xadka Eritrea ay la wadaagto Ethiopia , Jabhadahan ayaa waxa kale oo ay sheegteen in ay dhaawaceen shan askari, gacantana ku dhigeen labo askari.
"Ciidamadaydu  waxa ay gacanta ku dhigeen labo askari, waanu heynaa hadda. Ciidanka [dawladda] waxa ka dhintay 17, waxaana ka dhaawacmay shan," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Afhayeenka jabhadda RSADO, Yaasiin Maxamed.

Bishi April ee sanadkan ayey aheyd markii uu Ra'iisal-wasaaraha dalka  Ethiopia Meles Zenawi, sheegay in wiixi hadda ka danbeeya ay dawladdiisa qaab military u taageeri-doonto jabhadaha doonaya in ay xukunka ka tuuraan maamulka Isayas Afwerki.