Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madxweyne Cumar Geelle Oo Taraq Ku Daaray Gogoshi Ay Fidsatay Somaaliland Ee Lagu Aqoonsan-lahaa

Saturday - December 3, 2011

Jabuuti:Madaweynaha dalkaas Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo shalay wargeyska la yiraahdo Jeune De Afrique wareysi la yeelatay ayaa amuuro badan oo khuseya geeska afrika ka hadlay isagoo si gaar u weeraray su'aal la weydiiyey oo ku saabsaneyd gooni isu-taaga Somaaliland, waxuuna arintaa ka yiri isagoo ka warbixinaya: Somaaliland waxa ay sameysatay dheg yaan loo dhigin waa wax la buun-buuninaayo oo runta ka foog .. isagoo hadalkiisa si wata waxuu intaa raacshay oo yiri meesha ma yaalin wax dawlad lagu noqon-karo ee aduunka bey indha sarcaad u dhigayaan waxaana waxaas wada oo halkaa gaarsiiyey waa dalka ingiriiska oo been u sheegay.

Isla markaa waxuu madaxweyne Ismaaciil warkiisa intaa mataal ahaan ku soo qaatay oo yiri:  dameerka iyo huudhiga waxaa horeya Dameerka ee miyuu huudhigu jiidi-kara, ilayn huudhigu isagu ma soconaaye oo micnaheedu yahay, waxay isu qabaan in ay ka horeyaan Somaaliya oo la ictiraafo inta uu aduunka iska ilaawo Somaaliya ee taas ma dhici-karta .. waxaan leeyahay ayuu yiri wey deg degayaan oo waxay is leeyihiin inta ay baa-ba'san-yihiin Somaaliya ka faaiideysta, aduunkana taas waa ogyahay, waxuu kalo sheegay in somaaliland ay ku andacooto nabad baa jirta iyadoo la ogyahay in dagaalo ka jiraan gobolada Sool Iyo Sanaag, isla markaa waxuu carabka ku dhuftay in madaxweynihi hore daahir riyaale marku ku soo laabtay hargeysa la xumeeyey oo u hadda isagu ku nool yahay magaalada Baris.