Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shiikhi Cilmiga Iyo Waanada Iyo Wixi Alla Baray Haqabtiri-Jiray Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Oo.....

Monday - December 5, 2011

Bosaaso: Waxaa saaka si fajac ah oo bulshada musllinka Somaali meeley joogtaba kadis ku noqotay falki dilka waxshi-nimada loo geystay allaha u naxariiste Shiikh Al-Caalim Dr.Axmed C/raxmaan Xaaji Cabdi isagoo salaadi waabariga alla darti u tukanaya ay toogteen kuwa sidi xayawaanka bahalka u halabsanaya cuqubeysan la dhihi-karo akhas-sunaas xad-gudbay .. dhagar-qabayaashaas hororka falkaa geystay oo af-duubnaa goobti si haleel ah ayey uga baxsadeen iyagoo ku si dhex dhuumaaleysanaya xaafada biyo-kulule ee ahayd goobta shilku ka dhacay, illa hadda lama garanaayo Shiikhaas waxa u ku muteystay dilka noocaas ah ma daama u ahaa nin aan shaqo ku lahayn gulufka iyo mashaqada colaadeed ee gobolka ka jira .. waxaana sheekada shuushuuda ka jirta bulshada halkaas ku nool iyo Bosaaso ku hadaaqayaan in sharka falkaas ay ka dambeyaan kuwa diirka ka shabaha musmlim dulaal u ah shisheeye ka soo horjeeda iney carigaas un nabad ahaato, kalka kuwa kale ay ku xariirinayaan aano qabiil waase nisbo yar, walow tiro aan sidaas u si badneyn ka shakisan-yihiin kuwa lagu neynaaso ashahaada la darirka oo meel iyo cid xukunta aan la garaneyn , waxaase afka loo badinaya iyadoo wax walba laga shakin-karo in haadana koleyba Shiikh cabdiraxmaan cidi disheyba usan qarsoomi-doonin.

Marxuumkaas oo cibaadada ku karaameysnaa ayaa ka mid ahaa culimada sida weyn xushmad ahaan looga qadariyo guud ahaan Somaaliya gaar ahaan Puntland isagoo caan ku ahaa ka qayb qaadashada doorka la dagaalanka jahliga iyo cabqari-nimada kala dhig-dhiga cilmiga diinta shareecada ku qotonta iyo gaar ahaan isagoo ahaa nin sama ka talis lagu yiqiin

Waxaanu eheladi iyo qaraabadi iyo asxaabti u marxuumka ka tagay leenahay samir iyo iimaan alaha dhamaanteen inaga siiyo, naar-quutayaasha dileyna alaha kashifo iyaga iyo najuusiinti ka dambeysaba  .. wixi hadba soo kordha oo wara isla qoraalkaan ayaan ku soo kordhinaya ee saas ula socda .. Teeda kale wixii war kordhis oo la xariira dilkaas shiikha ku soo hagaajiya e-meelka webka si dadka loola socdiisyo.