Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Guddi Soo Baara Dilki Fool-Kaanada Boosaaso U Ku Baxay Al-Digtoor Sh. Axmed C/Ramaan Oo Ambabaxaya

Monday - December 5, 2011

Galkacyo- Bosaaso- Mineapolis: war laga xigtay rag loo qaateena ayaa la sheegay in mawaadinin xigto sokeye la ah marxuuma Al-Digtoor Shiikh Axmed C/raxmaan ay talo jilbaha loo laabtay ku go'aansadeen sidi halkaas iyo magalada Boosaaso loogu diri-lahaa guddi xaqiiqo raadis oo arintaan falka fool-kaanada oo kala ah lagu soo sameeyo dabagal iyo baaris mudada ay doonto ha qaadate .. warka ayaa inta ku daraya in hawshaas rag waayo arag ku xeel dheer All Ready wada hadal lagula jiro si ay halkaas u tagaan oo hawshaas xaqiiqadeeda daaha uga soo qaadaan.

Sida warku tilmaamayo qorshahaas hawlgalka ee looga dan-leeyhay inaan lagu dag dagin amase farta loogu godin wax iska mala-awaal ah oo xaqiiqada dilka fogeyn-kara, balse la door biday in wax la hubo iyo xaqiiqada jirta si diirka looga qaado raadkii dambilaha la baaro, sidaa daraadeed ayaa la isku xilqaamaya in halkaas iyo goobti marxuumka lagu dilay la tago oo rag xulan si guud iyo qarsoodi key noqotaba hawshaas daba-galkeeda u taf-xaytaan .. warka ayaa intaa si raacinaaya in ragaas hawshooda loo idmay iney u adeegsadaan cid kasta oo ay isleeyihiin wax waa ogaan-kara ee gudaha dalka ku nool iyagoo ballanqaad helay in lagu taakuleyo miisaaniyad kasta oo hawshaas fududeyn-karta.