Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Habsamida

Tuesday - December 6, 2011

Ku Socota: Al- Imaam Shiikh Bashiir Shiil 

Ku Socota: Al-imaam Shiikh Abukar Shiikh Xuseen

Ku Socota: Al-Shiikh Maxamed Adan

Ku Socota: Al-Shiikh C/raxmaan Diini 

Ujeeddo: Salaan Iyo Mahadnaq

Walaalayaal: Salaan qaayo iyo qadarin kadib waxaan maanta sharaf ii ah inaan halkaan iyo magalada Ottawa idin kaga soo diro dhambaal xambaarsan salaan diiran oo si gaara aan ugu gudbinaayo walaalihi khaadimiinta Masjid khaalid Bin-Waliid oo sida sharafta leh ku tilmaaman dhaqan suuban iyo diin iyo jidkii toosnaa ee anbiyada iyo Rasuulka oo ay ka mid yihiin Al-Akh caalimka ku dacfuray kala dhig-dhiga sharxaada diimeed Al-imaam Shiikh Bashiir Shiil Iyo sidoo kale waxaan salaanteyda u gudbinaya garsooraha isku waajibiyey kala saarka xaqa iyo xumaha Al-Shiikh Abuubakar Shiikh Xuseen, iyo gaar ahaan gacanteyda u haadinayaa hal-doorka aan la iloobi-karin bir-labki aan liici-jirin wax kasta oo dhaca aan ka wahsan wax u sheega iyo maareynta xujeyda Al- Shiikh Maxamed Aadan Urur, waxaan kalo halkaan ku salaamaya Shiikh C.Diini isagana ku shuhuroobay u khidmeynta agaasinkii hawlihi kala sifeynta socdaalk Xajka  oo intaba iyo  dhamaantiin aan idin leeyahay Asalaamu caleykum Wa-raxmutulaahi:

Intaa dabadeed iyo ujeedadeyda dhambaalkaan waxay tahay  inaan idin ku mahadnaqo habsamadiini  qabuulka lahayd iyo habkii adeega aad nagu maareyseen xiligi waajib gudashadi  xajka sanadkaan ee 1432H ama 2011Milaadiga .. Adeegaas oo na raali galiyey bilawgi cimrada xajka illa laga gaarayey gabagabadi amba-baxa amase sagootiski gaaf-wareegi buqcadi daahirsaneyd ee kacbada ( dawaf al-Widac)  .. ma aha mid aan ilaawi-karno, hawlgalkii aan cid kasta haweysan-karin iyo xeerinta sharafta badan ee aad u soo jiideen magaca islaamka, iyo gaar ahaan sumcada Masjidka aad khaadimka ka tihiin iyo sida aan filaayo Xaaji-kasta oo naga mid ahaa adeegi iyo amaanadi hufaneyd ku reebtay xasuus lama ilaawaan ah, waana ku mahadsantihiin .. ifka waayo noo jooga niman aamina ayaa tihiine .. Eebe xoog badane ha idin aqbalo ducada aan idin soo marinay ee aad kasbateen

Xajka sanadkaan1432 hijriyada guud ahaan sida la sheegay waxaa lagu qiimeeyey kii ugu adeeg fiicnaa iyado aan jirin haba yaraate wax shilal ah oo ay ku qur baxeen wadar xujaaj ama wax cudur saf mar ah oo ka dilaacay, markii la barbardhigo xajkii koll hore ..iyado sido kale Somaalidi ahayd xujeyda ee ka kala yimi daafaha dunida ay ka sharqamiyeen in adeegi sanadkaan Masjid khaalid Bin Walid uu darajo sareyn galay kaalinta kowaad, waxaana mahadaas iska leh raggi hawlkarka ahaa ee isu xuurteeyey iney hawshu sidaas wanaagsan ku meel marto.

Waxaa xusid mudan oo xasuus igu reebtay dhawr todobaadyo ka hor buurta Jebel Carrafa sidi aan mar kaliya ugu wada kulanay tiro loogu sheegay 2,900,000 oo xaaji iyada oo 1.800.000 la yiri waxay ka soo xajiyeen dalka dibeddiisa halka gudahiisana ay ka ahaayeen 1,100,000. Dhammaan  tiradaasi waxaan wada wadaagnay magaca Xaaji/Xaajiyad oo daboolay magacyadii hore las ku yiqiinay iyo kuwo kale oo lagu kasbado xil, xirfad ama xoolo sida boqor, madaxweyne, wasiir, janan, dhakhtar, injineer iyo yeermo kasta oo aadamahu ku naalloodo .. Dadkii haybadda lahaa, waxay magaca xaaji ay kala sinaadeen kuwo loo yaqaanay sabool, naafo, danyar, shaqaale hoosaad iyo mid kasta oo lagu yeso midab, hawl, hayb ama hanti-la’aan .. waxaa kalo qiiro iyo sheeko leh labadi Xaram ee Makka Iyo Madiina sida loo ceegaagay malaayiin xaaji cimreysaneysa iyo sida aan u dhex jibaaxeynay hirarka dadka ah ee kolba sida daadka u soo rogmanayey oo u loolameynay yoolka inaan sheeda ka halacsano humaaga kacbada iyo dhagax madow ama qubada Rawdada cagaaran e qabriga Rasuulka NNKH

Waxaa xasuus mudan buug uu qoray halgamaagii weynaa ee Maraykanka Malcolm X kaas oo markuu ka soo laabtay gudashada xajka u sheegay Maraykanka madow iyo cid kasta oo ka cabanaysa duudsi, kala sarayn iyo takoorid xalku in uu yahay diinta Islaamka oo ah hoyga sinnaanta, cadaalada iyo walaaltinimo lagu waajibiyay qof kasta oo muslim ah.

Walaalayaal; anigoo aad idin ku bogaadinaya macnawiyaadka wanaagsan ee idin ku hoos qarsoon ugu dambeyn waxaan mar labaad mahad iyo salaanteyda ku khatimaya oo aan idin rajeynaya in raxmaanka alle idin ka yeelo kuwa aduunka lagu siiyo ciis,  caafimaad, ubad wacan iyo kuwa fuuqsada koobka nicmada .. Aakhirana hela Janatul fardoosa oo intaba idinka alle carshiga laga soo aqbalo .. Alle waxaan ka baryayaa inu dhamaanteen inta uu martiqaadka u fidiyey ee ku sugnaa arlada barakeysan ,si la mida Allaha deeqda badan waxaan ka baryayaa inta musllim ah ee ka baaqatayna in uu hawl-yareeyo gudashada xajka iyo dhamaan fariidooyinka kale ee u Raxmaanku waajibiyey.

Fiiro Gaara sida sadarada ku cad idin mahayo dhaliil aan xuso aan ka ahayn wanaagaas aan carabka ku dhuftay .. mana jirto talo aan idiin siin-karo oo adin-kaaba maskax, garaadnimo, indha dheer alle idin hilaacshay .. teeda kale waa iga xasuus sanadka dambe dalabka dadka xajka doonaaya sidaan qiyaasayo waa laba jibaarmeysa sabab la xariirta sumcada wanaagsan ee sidi haadka u duushay ee inta gor-goor tahay badsada qorshiihiina ku tala galka tirada qoondada dadka .

Sidaa iyo Maxamed C. Xaashi oo idin leh nabadgalyo iyo amaano allah .. Ottawa-kanada

        E-melkeyga Waa: [email protected] Tel: 613-864-5148 cell