Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Cunaqabateyn Cusub Ku Soo Rogay Dalka Eritrea Kadib Markii ....

Tuesday - December 6, 2011

Golaha amaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa cunoqabteyn cusub   ku soo rogay   dalka Writerea kadib markii lagu eedeeyay inuu taageero Kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya, sida oo kalena ay mas'uul ka tahay xasillooni-drrada ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Qraarkaan Go'aanka ah  waxa  isku raacay 13 dal oo ka tirsan 15-ka xubnood ee uu goluhu ka kooban yahay, waxaana ka aamusay dawladaha Ruushka iyo Shiinaha, iyadoo labada dal ay ka soo horjeedeen cunoqabteynta.

Isniintii shalay ayuu goluhu ka dhageystay warbixin ku saabsan Eritrea madaxda dalalka Soomaaliya  Sheekh Shariif,  Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisal wasaaraha  Ethiopia Meles Zenawi iyo saraakiil ka socday wadamada Kenya iyo Uganda, kuwaasoo warbixintooda ku gudbiyay iyagoo ku sugan Magaalada Addis Abab wada-sheekeysi fiidiyow ah, waxaana ay dalbadeen in cuno-qabteynta laga dhigo mid ka adag tii ka saaray sannadkii 2009.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaay isku raaceen in Eritrea ay mas'uul ka tahay rabshadaha ka taagan gobolka Bariga Afrika, iyada oo lagu eedeeyay in ay jabisay cunnoqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana ay hubeysay kooxda  Al-shabaab iyo kooxo kale oo kacdoon wadayaal ah.

Cunnoqabteynta la saaray ayaa ka fudud tii hore  loogu soo rogay  2009, iyada oo ay tani saameynayso madaxda dalka Eritrea oo keliya, waxase la ogolaaday in maalgelin lagu sameysan karo dalka Eritrea iyo khayraadka ku jira.

Dawaldda Eritrea ayaa hore isaga fogeysay in ay taageero siiso Al-shabaab iyo kooxo kale oo ka jira gudaha Soomaaliya, iyada oo sheegtay in aanay sidoo kale wax xiriir ah la lahayn kooxahaas.