Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Senator Mareykan Ah Oo Taageeray Ciidamada Kenya Ka Dagaalamaya Gudaha Somaaliya

Wednesday - December 7, 2011

Washinton:Senator Mar Kirk ayaa khudbad dheer isagoo jeedinaaya kaga hadlay dhaq-dhaqaaqa al-shabaab isagoo ka sheekeeyey deganaasho la'aanta ka jirta geeska Afrika iyo weerarada argagixiso ee ay fuliyaan .. waxuu kalo Senatorku soo hadal qaaday sida Shabaabku ay cariga mareykanka  uga  aruursadaan iyo khatarta mareykanka kaga imaan-karta al-Shabaab.

Senator Mar Kirka waxuu si gaara ugu mahad celiyey dawlada kenya iyo ciidamadeeda sida ay uga hawlgalayaan la dagaalanka argaixisada al-shabaab gudaha Somaaliya, isagoo isla markaa ugu baaqay dawlada Mareykanka iyo gaashaan-buurta NATO in ay ka taageeraan dawlada kenya hawlaas ay fulineyso sido kale ayuu yiri waa in iyagana la caawiya maleshiyaadka Somaali sida ahlu-suna wal-jamaaca iyo jubooyinka.