Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Somaliland Oo Ku Gacan Seyrtay Dawlada Ingiriiska Ka Qayb Galka Shirka U Qabanaayo Kooxaha Somaaliya

Thursday - December 8, 2011

Hargeysa, Xigasho Geeska Afrika: Xukuumada Somaliland ayaa si cad u bayaamisay mowqifka ay ka taagan tahay shir sannadka danbe la sheegay in loo qaban doono xal u helida dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, isla markaana la sheegay in Somaliland lagu casuumay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey mowqifka xukuumada ee ku aadan shirka loo qabanayo xal u helida arrimaha Soomaaliya, ayaa cadeeyey inaan waxba ka jirin hadal dhowaan ay dawladda Ingiriisku ku sheegtay in shirkaas lagu martiqaaday Somaliland “Waxaa dhowaan saxaafada qaarkeed qoreen in wefdigii Madaxweynahu hogaaminayey ee dhowaan Ingiriiska tegay ay aqbaleen oo xukuumada Somaliland ogolaatay inay ka qeybgasho shirka Raysal Wasaaraha Ingiriisku ku baaqay inuu xalinta arrimaha Soomaaliya u qabanayo sannadka danbe. Waxaaan leenahay warkaasi mid xaqiiq ah maaha. Waxaanu wefdigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey iska taageen mowqif cad oo ah inaan xukuumada Somaliland ka qeybgelayn shirkaa, maadama uu yahay shir u muuqda mid arrimaha gudaha Soomaaliya iyo siyaasada isku haya loo qabanayo. Somaliland kama qeygelayso, mowqifka ay iska taagtayna waa sidaas.”

Dr. Maxamed Cabdillahi ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumada Somaliland u rajeynayso dawlada Ingiriiska inay sii wadaan hawlgal kastoo xal loogu helayo mushkilada Soomaaliya, diyaarna u tahay iskaashi beesha caalamka kala yeelato sidii mushkilada Soomaaliya ka taagan xal waara loogu heli lahaa, maadama saamayn ku yeelan karto, “ Waxaan u aragnaa inay arrin maslaxad Somaliland ah u tahay haddii xal waara loo helo mushkilada Soomaaliya oo aanu ka raysanayno xasilooni darada iyo mushkilada inta badan ka soo bilaabmata Soomaaliya ee mandaqada aanu ka mid nahay saamaynta ku leh.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdillahi, oo aanu weydiinay sida martiqaadka ay diideen loogu sheegay iyo masuuliyiinta kala kulmay, ayaa yidhi, “Arrimahaasi kulamo aanu la yeelanaynay masuuliyiinta Ingiriiska oo lagaga hadlayey xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ka dhexeeya iyo iskaashiyada kale ee na dhexmara iyo qadiyada Somaliland ee aanu doonayno inaan taageero uga helno Ingiriiska ayey dooda shirkaasi ku soo baxday, markaa intaan la gaadhin in casuumado loo soo diro Somaliland, ayey markiiba wefdigii madaxweynaha Somaliland cadeeyeen mowqifkooda arrimahaa ku saabsan, oo sheegeen inaanay ahayn kuwo Somaliland khuseeya.  Xukkumaduna diyaar u ahayn ka qeybgalka shirkaa.”