Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xukunka Qofka Salaada Uga Taga Si Ula Kac Iyo Qofka Uga Taga Si Wahsi Ah By: M. Xussein

Friday - December 9, 2011

Qaybta 1aad: Allah subxaanahu watacaala wuxuu yiri:waxaa gadaal maray qoon xun oo iyagu dayacay salaadda,raacayna shahwadooda (waxay naftoodu doonto oo xumaan ah),waxayna kuwaasi maalinta qiyaame la kulmi hoog iyagoo loogu abaal marinayo baadigii ay ku sugnaayeen daraadeed (suuradda Maryam,aayad lambar 59),Cabdullaahi bin Mascuud Allaha ka raalli noqdee isagoo fasiraya aayaddani wuxuu yiri:waxaa kuwaasi la gelin webi ku yaalo jahannama oo dhadhan ur leh,Xaakim ayaana atharkaasi ku soo saaray Mustadrikiisa, Dhabarina wuxuu ku soo qaatay tafsiirkiia.

Ibnu Kathiirna wuxuu tafsiirkiisa ku yiri:waxaa la isku khilaafay danta laga leeyahay dayacidda salaadda,qaar waxay yiraahdeen:waxaa loola jeeda ka tegid salaadda laga tegayo gebi ahaanba,sidaasna waxaa sheegay ibnu Zayd bin Aslam,ibnu Jariirna sidaas buu qaatay, waxaana arrinkaasi la qaba salafkii iyo a’imadii,sida ku cadna qowlka imaam Axmed,ibnu Mascuud iyo ghayrkiisa waxay qabaan:in ay kuwaasi lumiyeen waqtiga salaadda,haddii ay ka tegid  ahaan lahaydna waxay arrintu noqon lahayd gaalnimo,sida uu Allah inoo sheegay: qofkii ka toobad keena oo rumeeya camal wanaagsana la yimaada mooye,waxayna kuwaasi geli jannada (suuradda Maryam,aayad lambaar 60),waxayna taasi daliil u tahay in markii ay salaadda lumiyeen waxa ay naftoodu doonto oo xumaan ahna ay raaceen,waxaa cad in  kuwaasi aysan ahayn dad mu’miniin ah,Allahna wuxuu yiri:haddayse toobad keenaan, salaaddana oogaan sakaduna ay bixiyaan waxay noqon walaalihiin (suuradda attowba,aayad lambar 11).

Allah  wuxuu shardi uga dhigay walaaltinimada innaga iyo mushrikiinta saddex arrimood:in ay ka toobad keenaan shirkiga,salaaddana ay oogaan,sakaduna ay bixiyaan,haddiise ay ka toobad keenaan shirkiga,hayeeshe aysan salaadda oogin,sakaduna aysan bixin,walaal nooma ahan,haddii ay salaadda oogaana,hayeeshe aysan sakadu bixin,iyaguna walaal nooma ahan, Allah wuxuu yiri:waxaa hoog u sugnaaday, kuwa marka ay tukanayaan oo salaaddooda halmaansan,dadkana istusinaaya una diida alaabta laysugu kaalmeeyo (suuradda al-maacuun, aayad lambar 4 ilaa 7),ibnu Cabbaas oo fasiraaya qowlkii Allah oo ah:kuwa salaaddooda halmaansan,macnaha waxaa loola jeeda buu yiri:waa kuwa salaadda dib uga dhiga waqtigeeda,Allah wuxuu yiri:maxaa idin geliyay naarta saqara la yiraahdo?,waxay yiraahdeen: ma’aanu ahayn kuwii tukanaayay (suuradda al-mudathir,aayad lambar 42 iyo 43).

Axadiis fara badan ayaa tilmaamaysa khasaaraha ay leedahay ka tegidda salaadda,saxiixu Muslim waxaa ku xusan in Jaabir bin Cabdillaahi Allaha ka raalli noqdee uu yiri:waxaan maqlay in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama oo dhahayo:ninka iyo shirkiga iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya ka tegidda salaadda,imaam Axmedna Allaha u naxariiste wuxuu musnadkiisa ku soo saaray,Tirmidi iyo ibnu Maajana ay sunnooyinkooda ku soo saareen in Bureyda Allaha ka raalli noqdee uu soo weriyay in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:ballanka inoo dhexeeya annaga iyo iyagu ama idinka waa salaadda,qofkii ka tagana wuu gaalloobay,sheekh Albaanina Allaha u naxariiste wuxuu sheegay isagoo ka faalloonaya kitaabkii al-iimaan oo uu qoray ibnu abii Shayba:in sannadka xadiisku uu saxiix yahay,wuxuuna sheekh Albaani xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic.

Qaar ka tirsan ahlu cilmigu waxay iyaguna sheegeen in uusan wax khilaaf ah ka dhex jirin muslimiinta,in qofkii salaadda ka taga islamarkaana inkirsan uu gaal yahay,hadduuse uga tago si caajisnimo ah,macnaha si wahsi ah,hayeeshe uu aaminsan yahay oo uu qirsan yahay salaadda,sida ay dad badanba ku sugan yihiin,waa la isku khilaafay arrinkaasi,dad badan waxay la tageen  oo uu imaam Maalik iyo imaam Shaafici Allaha u naxariiste ay ka mid yihiin in aan la gaalaysiin,balse lagu tilmaamayo in uu yahay qof caasi ah oo amarkii Allah khilaafay,hadduusan toobad la imaana la dilayo.

Sheekh Albaani Allaha u naxariiste wuxuu kitaabkiisa:xukunka taarikussalaat uu ku sheegay: in culumadu ay isku khilaafeen xukunka taarikussalaat,gaar ahaan hadduu rumaysan yahay salaadda,waxayna jumhuurku la tageen in aan la gaalaysiin,balse lagu tilmaamayo in uu yahay qof caasi ah,haddii uu xaalkiisu sidaas yahayna sida masalan:hadduu salaaddii dayacayo oo aan waqtigeeda ku tukan,waa la dilaya, hadduusan toobad la imaan,waana la dhaqaya,waana lagu tukanaya,qubuurta muslimiintuna waa lagu duugaya,wuxuuna sheekhu intaas ku daray:taarikussalaat waa qof mujrim ah oo caasi ah,waxaana looga baqaya gaalnimo iyo shirki hadduusan ku degdegin toobada iyo istighfaarka,laakiinse intuu rumaysan yahay in salaadda ay waajib tahay lagama saarayo islaamnimada naartana kuma waarayo,waana arrin khatar ah buu yiri sheekhu:in dad qirsan salaadda iyo towxiidka in la gaalaysiiyo,waxayna kuwaasi soo galayaan awooddii Allah oo uu yiri:Allah ma dhaafo in loo shariik yeelo, wuxuuse dhaafa wixii aan shirki ahayn,haddii uu doono (Annisa’,ayado lambar 48 iyo 116).

Sheekh Albaani wuxuu kaloo sheegay:in dadka aan salaadda dhowreynin,waa kuwa lagu sheegay sida ku xusan sunnooyinka abuu Daawuud,ibnu Maaja iyo Nasaa’i iyo musnadka Axmed soona weriyay Cubaada bin assaamit Allaha ka raalli noqdee:in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:shan salaadood ayaa Allah addoomada ku faral yeelay maalin iyo habeenba,qofkii dhowra wuxuu Allah u ballan qaaday janno,qofkii aan dhowrina hadduu doono Rabbi wuuu cadaabaya,hadduu doonana wuu u denbi dhaafaya,sidaas daraadeed qofka dhowra waa qofka ku tukada waqtigeeda sida uu Allah amray,qofkii marmar  dib u dhigana ama uu waajibaatkeeda ka tago,wuxuu soo galaya awoodda Allah,waxaana qofkaasi laga yaabaa in uu la yimaado sunnooyinka kale si markaasi loogu dhammaystiro wixii uu ka dayacay faralkiisa,wuxuna sheekhu uu xadiiskani ku saxiixay saxiixul jaamic.

Dhinaca kale wuxuu sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariiste uu ku yiri risaaladiisa:xukunka taarikussalaat:imaam Axmed wuxuu yiri: taarikussalaat waa gaal diintana wuu ka baxay, hadduusan toobad la imaan oo uusan tukan,imaam Axmed wuxuu kaloo yiri:in la gaalysiinayo hadduu qofku ka tago salaadda oo uu caajisnimo uga tago,qowlkaasi ayaana raajix ah buu yiri Cuthaymeen,bin Bazna Allaha u naxariiste wuxuu sheegay:qofkii salaadda uga taga si  ula kac ah waa gaal,sida la isku raacsan yahay,hadduu uga tagona si caajisnimo ah isaguna waa gaal sida ay qabaan culumada,kaasaana raajix ah buu yiri sheekhu.  

Ibnu Qayim Allaha u naxariiste wuxuu kitaabkiisa salaadda iyo xukunka qofka ka taga uu ku yiri:muslimiintu iskuma khilaafsana in salaadda faralka ah oo si ula kac ah looga tago ay tahay denibyada midda ugu weyn,wuuna ka weyn yahay denbiga dil qof bani’aadan ah loo geesto iyo xoolo si sharcidarro loo qaato,waana ka weyn yahay zinada iyo dhaca iyo khamri cabbidda,qofkaasi salaadda ka tagana waxaa ku dhacaysa cuquubada Allah,wuxuuna la kulmaya hoog adduun iyo aakhiro.

Sufyaan Athowri,Awzaaci,Maalik bin Anas,Shaafici,Axmed iyo asxaabtooda Allaha u naxariiste waxay ku fatwoodeen in la dilo, hayeeshe Saciid bin Al-Musayib,Cumar bin Cabdulcaziiz iyo Abuu Xaniifa Allaha u naxariiste waxay iyaguna ku fatwoodeen in la xabiso ilaa uu ka geeriyoodo ama in uu toobad keeno lamase dilayo. 

Allahayow denbigeena noo dhaaf,Allahayow noo kordhi garashada diinta islaamka, Allahayow adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu sii..........................Allahummastajib

Waa inoo jimcaha iyo qaybtii 2aad iyo arrimo ku saabsan salaadda Rabbi idankii

Mohamed Hussein .. [email protected]