Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

DalkaYaman Oo Ku Socda Magac Ba'ii Iyo Jidkii Qaxandhada Badnaa Ee Somaaliya

Saturday - December 10, 2011

Yaman: Boqortooyada Sacuudiga iyo dawlada Mareykanka ayaa dhawaan qorshihi ay u dajiyeen heshiisin ka dhaca geyigaas Yaman ayaa si aada uga muujiyey murugo iyo rajo xumo oo wixi ay la tacaalayeen gogol-xaarka nabad ka dhalata cariigaas ay ku noqotay kadaro dibi dhal  iyo tacab khsaaro weli soo taagan oo ulajeedadi istraatijiyada fog laga lahaa heshiisiinta la marin-habaabiyey 

Sida mucaardka qaar ka mida ku andacooday gogol-xaar heshiis la soo marma-rooshay oo soo diyaar gareyeen Mareykanka iyo boqorka Sacuudiga ayaa biishi la soo dhaafay ee sanadkaan waxaa dalka sacuudiga si lama filaana ku gaaray madaxwewyne Cabdalla Saalax oo isla markiiba saxiix ku duugay heshiiskaas dhigaya in awoodiisa xil ku sii wareejiyo ku xigeenkiisa Cabdi Mansuur oo halkaas dabadeed laga dhiso xukumad wada jir ah ee ka kooban mucaaradka iyo dawlada illa inta laga gaarayo doorashada madaxtinimada oo la yiri 90 cisho gudaheed waa in shacabka loogu yeera cod bixin .. waxaana heshiiska Cali Cabdalla ku ogolaaday inu isagana dhiniciisa laga dado raadkii muuqday ee u ku geeystay dilki weli guryaha looga barooranaayo iyo dhaawca badn ee xanuunka weli u yaala isbitaalada, hasa ahaate kooxdi heshiiska noocaas ah keentay sheegeen in sidaas loo yeelay si dalku uga nabadgalo ibtilo dagaal sokeeye oo dawlad-nimadi Yaman aysan noqon mid faashil ah amase sidi Somaaliya ku dambeysa Qab-qablayaal dagaal Ooge iyo maamulo shabaha al-shabaab oo dabadeed khalkhal xasilooni-daro galiya Marinka biyaha Baab-Mandab iyo sido kale nabadgalyada boqortooyada Sacuudiga.

Mareykanku waxuu hadda walwal iyo cabsi ka qaba Kanaalka Masar Ee Zuweys oo maamulkiisa hoos imaanayo dawlada Akhwaanka ee ka dhalaneysa Masar, sido kale oo iyadana marinka Hormuz ay ku jirto gacanta Islaamiyiinta Shiicada iiraan, isla markaana dariiqa biyaha Jabal Taariq ee dalka Morooko ay iyadana qabsadeen xisbi akhwaan islaam iyo dawlada turkiga u hor-boodaayo Shiikha  Ordogaan ay iyaguna kor fadhiyaan dariiqa maraakiibtu marto oo la yiraahdo Dardaniil, taaso Reer galbeedka ay ku andacoonayaan in duufaanta kacdoonka islaamka kacay ay u si gurguuraneyso iney halis galiyaan istratijiyada iyo danaha dawladahaas.

Waxaa iminka boqor Cabdalla ee Sacuudiga iyo maamulka madaxweyne Obama ka walwalayaan oo ay xaqiiqsadeen in shacabka Yaman usan sinah uga bad-baadeyn dagaal ka dhexaloosma  gudahooda siiba dhinacyada qabaailka Yaman oo markii horaba maratabada iyo isu-dheelitir-kooda awood u ku dhisnaa farsamo jawaan joog lacageed iyo sa-sabasho 30 Sano u ku waday Cali Cabdalla Saalax isagoo xita is-bahaysi ahaan u adeegsan-jiray iney kala qayb galaan la dagaalanka  kooxaha gooni-goosadka konfurta iyo caasi-garawga shiicada Xuuthiyiinta oo iyagana xukun gaara ku haminaya iyo gaar ahaan kooxaha Al-qaacidada oo wacdaro ka sameeya dalkaas 

Amuurta jirta oo hadda la xaqiiqsaday ayaa tilmaameysa in hadda qabaaiilkii waaweyna iyo ciidamo si tarab taraba ugu soo biiraya tolkooda oo dhiilo bareer cad u cadeystay ineysan heshiiskaas waxba ka khuseyn dhegeysan-doonina taaso micneheedu yahay in ay goboladooda xukun gaara mustuqbalka uga dhawaaqi-doonaan oo sheekada dawlad dhexe halkaas ka baxdo, isla markaa dhllinyaradi kacdoonka oo aan ciid xisbiya ku xireyn ayaa iyagana ganfka ku dhuftay heshiiskaas hagardaamada ee Cali Cabdalla gardarada loogu taageeray., waxayna carabka ku dhufteen in heshiiskaas loo adeegsaday shakhsiyaad maalin qayil Cali Cabdalla ku masruufi jiray oo horay u taageeri jiray barnaamijyadiisi ahaa xukun oo qaybi

Hogaamiyaha Mr.Xassan Baacuum ee konfurta Yaman waa reer Cadane oo khamiisti xabsi ka soo baxay ayaa xulafadiisa soo dhaweysay uu sheegay iney bislaatay gooni-isutaagi Konfurta Yaman sido kale Mr.Jamaal Bin Cumar oo madax u ah Xuuthiyiinta shiicada ayaa isna yiri hadda taageero ayaan ka haysanaa qabaaiilka Yaman oo waxaa dhamaatay waqtigi ay la soo safan-jireen dawlada dhexe .. Shacabka Yaman sidi qaabka fitnada qaska Somaaliya ku bilaabatay ayaa sidaas oo kale  dadkii Yaman  jaahawareer ugu dhacay oo wax dalka xukuma aan la garaneyn,iyo taladi oo qori la saaray waxaana lagu shabahay xukumada wada jirka ee hadda xilka la wareegtay ineysan  awoodeeda xukun ka duwaneyn tan madaxweyne Shariif Axmad-ka Mogdisho ku haysata. By senior editor