Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qaar Ka Mida Dumarka Denamarka Oo Door Bidaya Iney Caruurtooda Haystaan Intey Shaqo Tagi-lahaayeen

Saturday - December 10, 2011

kobenhagen : Qaar ka mid ah dumarka Denmark ee qaata caawimada cayrtaa ayaa sinaba u rabin, inay shaqeystaan oo ka baxaan taageerada dawladdu siiso.
 
Sida laga soo xigtay baaritaan khaas ah uu sameeyay xafiiska tirokoobyada Danmark, boqolkiiba 33,9 ka mid ah dumar suaalo la waydiiyay ayaa ku jawaabay, in aanay rabin inay shaqeeyaan. Ragguna waa boqolkiiba 5,8. Sidaasna waxa qoray wargayska Jyllands-Posten.

Waxa baaritaanka ka qaybqaatay ilaa 15.000 oo qof, waxana gaar loogu sameeyay dadka qaata caawimada cayrta ee kooxda 1.
 
Ma qabaan diiqad, dhabar xanuun iwm, oo ka horjoogsada shaqada .. Labadii dumar ahba mid baa ku jawaabtay maya, mar la waydiiyay inay shaqo raadsatay afartii wiig ee ugu danbeeyay. Waxana ay ku jawaabeen maya, mar la waydiiyay, inay shaqo ku bilaabayaan muddo laba wiig gudahood ah.sidaas awgeed u ma diyaar aha suuqa shaqada ..Ragga boqolkiiba toddoba ayaan u diyaar ahayn tagista suuqa shaqada.

Tirakoobyadu waxay muujinayaan, sida laga soo xigtay ururka shaqo bixiyayaasha deenishka (DA), inaan wax badan laga helayn shaqada marka la barbardhigo guriga lagu haynayo carruurta.
source.dr.dk