Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Hogaamiyaasha Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Qaab Lagu Dhiso Dawlad Islaami Ah .. By Ahmed Kulan

Monday - December 12, 2011

Baydhabo: Qorshaha dhismaha Imaarada Islaamiga Soomaaliya waxaa uu soo jiitamayay ku dhawaad 2 sano iyo bar hase yeeshe kooxaha qorshahan waday uma suuragalin in ay wax dhisaan caqabado waa weyn.

Toddobaadkii hore ayaa Magaalada Baydhabo laga shaaciyay dhismaha Dowlad Islaami ah kadib tallo soo jeedin ay sameeyan koox culumo ah oo shabaabka xiriir la leh.

Warar ayaa sheegay in inta badan Madaxda Al shabaab ay aqbaleen tala soo jeedinta balse hoggaamiyaha shabaab weli si buuxda uma aqbalin talo soo jeedinta culumada ku xiran shabaab.

Axmed Cabdi Godane waa uu ka biya diidsan yahay nidaamka la wado isagoo u sheegay habeen hore kulan uu la qaatay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Sheekh Xasan Dahir Aweys inaan la gaarin waqtigii la dhisi lahaa Dowladda Islaamiga ah ee ka talisa Gobolada shabaabka Maamulaan.

Godane waxaa uu soo jeediyay in dhismaha Imaarad Islaami ee Somaliya ay caqabad ku tahay Jihaadka waayo ayuu yiri waxaa dhici karta in qorshahan lagu kala qeybsamo.

Abuu Mansuur ayaa sida ay sheegayan dad ku dhaw dhaw waxaa uu u sheegay Godane inaan macquul ahayn in lagu sii jiro Magaca al shabaab.

Labo qodob oo Mansuur hordhigay Godane ayaa waxay yihiin inaan Magaca al shabaab loo helaynin taageerada shacabka soomaaliyed iyo in ragga madaxda ka ah shabaab hadda yihiin dad ku dhaw howlgab da’a ah sidoo kale waxaa uu sheegay Roobow in laga maarmaan tahay in la helo taageerada shacabka iyo dad dibadda ka yimaada.

Hadaba Qaab dhismeedka la helay ee ay u dhisan tahay Dowladda Islaamiga ama Imaaraada Islaamiga Soomaaliya waa sidan

Gole fulin oo ka kooban 25 qof———-Golahan waxay u shaqeyn doonaan Sidii Xukuumad oo kale.

Gole Shuure——-130, Xubnood, Waxay isugu jiraan Culumo iyo dhalinyaro jihaadka safka hore kaga jira.

Golaha fulinta qaab dhismeedkooda ayaa loo kala qeybiyay sida:

Wasiirka Arrimaha Gudaha .. Wasiirka Gaashandhigga .. Wasiirka Diinta iyo Wasaarado kale

Ninka Madax looga dhigayo Golaha fulinta ayaa waxaa uu noqon doonaa mid ka yimaada Ururka Al Shabaab.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa u xuubsiiban doona Wasiirka Gaashandhiga ahna kuxigeenka Madaxa Golaha fulina.

Afhayeenka Al shabaab Cali Maxamud Raage ayaa noqon doona Madaxa ilaalinta Imaaradka Islaamiga taas oo u dhiganta Taliye Ciidan.

Sheekh Xuseen Fiidow oo hadda Shabaabka u qaabilsan Gobolada ayaa noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Golaha Shuurada ragga ku jiri doona ayaa waxa ka mid ah Xasan Dahir Aweys oo tartan ugu jira inuu Madax u noqdo Golahan iyo C//laahi Cali Xaashi oo reer Puntland.

Hadal haynta ugu badan Magaalada Baydhabo oo howshan dhismaha ka socota ayaa waxay yihiin maalmaha lagu dhawaaqi doono iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda si rasmi ah loo shaaciyo Magaca Dowladda Islaamiga.