Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Gabar La Silicsaneyd Nabar Kaga Yaala Xubinta Taranka Oo Hadana Takhtar Ajnabi Ah Keli Kala Baxay

Tuesday - December 13, 2011

Muqdisho: Ehelada gabar Soomaaliyeed ah oo lagu magacaabo Faadumo Barrow Maxamuud ayaa ku eedeeyey mid ka mid ah dhaqaatiirta ajaaniibta ah ee ka howlgasha cusbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho inuu keli kala baxay, xili uu qaliin uga sameynayey nabar weyn oo caloosha kaga yaalay muddo dheer.

Gabadha qaliinka lagu sameeyey oo magaceeda la yidhaahdo Faadumo Barrow Maxamuud oo 30 jir ah, waxa 3 sanno ka hor laga keenay miyiga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay u adkeysan si looga qalo nabar weyn oo caloosha kaga yaalay , waxaana magaalada mogdisho ay u soo doonatay daaweyn iyo qaliimo si xaaladeeda caafimaad wax looga qabto.

Faadumo oo hada ku jirta xaalad miyir beel ah ayaa hore u sheegtay inuu dhibaato ku hayo nabar ay ku dhalatay oo xiray xubinteeda taranka, iyada oo xustay in nabarkan ay kaadida iyo caadadu marin ka dhigteen, waxayna xustay in kaadidu aysan isa soo gaareyn oo ay tahay mid iska socota xili kasta, isla markaana ku celiso baco iyo waxyaabo kale kuwaasoo ay sheegtay in dhibaato badan ku qabto.

Waxay tiri Hooyaday waxba ma haysato aabaheyna anigoo yar ayuu dhintay waxaana dadka Soomaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta ka codsanaya inay ay gacan iga siiyaan sidii daaweyn caafimaadka oo dibeda ah la iigu heli lahaa si loo badbaadiyo mustaqbalkeyga dambe.

Faadumo Barrow Maxamuud oo wejigeeda ay ka muuqatay tiiraanyo xoogan iyo rajo xumo. waxay sheegtay in aysan bulshadda dhexgali karin, maadaama ay tahay mid kaadidu ka socoto, lagana dareemayo urta kaadida marka agteeda la tago, isla markaana aysan garaneyn qaab ay u celiso kaadida, waxayna sheegtay in aanay rajo ka qabin in ay guursato oo ay ay aragto ilmo ay hooyo u tahay sababo la xidhiidha nabarka kaadidu ka socoto ee caloosha kaga yaal iyo marinkii loogu talogalay kaadida iyo galmada oo gebi ahaanba xidhan.

Ehelada Faadumo ayaa sheegtay in loo geeyey dhakhaatiir badan oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo u sheegay in xaaladeeda dalka gudihiisa aan waxba looga qaban Karin, waxayna intaa ku dareen in dhowaan ay tagtay cusbitaalka Banaadir si ay xaaladeeda uga caawiyaan dhaqaatiirta ajaaniibta ah oo dhowaan magaalada Muqdisho tagay.

“Dhakhtar Masri ah oo ka mid ahaa kuwii isbitaalkaas ka howlgaalyey ayaa isagoo aan baarin nabarka waxa uu yahay, si fiicana u fahmin sida xaalkeedu tahay waxa uu u sheegay Faadumo inuu wax ka qaban karo, qaliina ku sameyn karo nabarkeeda, waxayna taasi rajo ku abuurtay Faadumo, waan kala talinay inay ka fiirsato arrintaas, hase ahaatee way diiday, ka dibna waxay saxeexday in qaliin lagu sameeyo,” sidaa waxaa tiri Faadumo Caddo oo eedo ah u dhibane Faadumo Barrow Maxamuud, iyada oo intaa ku dartay in Faadumo qaliin lagu sameeyey toddobaad ka hor intaa wixii ka dambeeyeyna xaaladeeda caafimaad ay ka sii daraysay, waxayna xustay in takhtarkii qalay Faadumo ee Masriga ahaa uu ka dhoofay dalka, taasoo ay sheegtay iney naxdin weyn ku noqotay.

Sida ehelada gabadhani sheegeen sawiro qallinkan ka dib laga qaaday ayaa lagu ogaaday in keli lagala baxay, iyada oo Dr. Bigmey oo ka mid ah dhakhaatirta Soomaaliyeed oo akhrinta raajada ku taqasusay uu caddeeyey in gabadha lagala baxay keli, mida kalena ay jiran tahay oo uu dhagax ku jiro, nabarkii caloosha uga yaalay ee qaliinka looga sameeyeyna uu isku dhex furmay dhamaantiis, wax loo qabtayna aysan jirin in looga sii daray mooyee.

Eedo Aamina Caddow oo Faadumo eedo u ah ayaa waxay codsi ballaaran u jeedisay bulshadda caalamka iyo samafalayasha, ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo awood leh inay wax ka qabato xaalada haysata gabadhaasi xanuunsan oo xaaladeedu hadda meel adag marayso, haatana jiifta cusbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.