Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Madaxweyne Geelle Oo Ka Baryey W.Gaashandhiga USA In Lagu Taakuleeyo Ciidamo U Geynaayo Somaaliya

Wednesday - December 14, 2011

Jabuuti - Dawladda Jabuuti ayaa la sheegay inay beesha caalamka ka baryeyso in dhaqaale lagu siiyo ciidamo ay doonayso inay u dirto magaalada Muqdisho ee dalka, kuwaasi oo qayb ka noqon doona ciidammada AMISOM.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dawladda Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo kulan la yeeshay shalay Wasiirka Gaashaandhiga dalka Maraykanka Mr. Leon Panetta, waxa uu ka dalbatay beesha caalamka inay ka gacan siiyaan sidii ay ciidamo ugu diri laheyd waddanka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlgallada ciidammada Midowga Afrika ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiishu waxay sheegeen in Madaxweyne Geelle ay ka go’an tahay sidii uu ciidamo nabad ilaalin ah ugu diri lahaa Soomaaliya, hase ahaatee aanay dawladdiisu awoodin bixinta kharashka ciidammadaas lagu gaarsiinayo magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah Wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka ugu dalbaday in lagu taageero arrimahaas.

Waxa kaloo la sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu doonayo in dalka Soomaaliya noqdo goob xasilloon oo ka caaggan kooxaha burcad-badeedda iyo Al-qaacida, isagoo weydiistay beesha caalamka inay u soo jeestaan sidii wax looga qaban lahaa xaalaadaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Maraykanka oo booqasho ku tagay Jabuuti, ayaa tilmaamay in Jabuuti tahay goob muhiim u ah hawlaha la-dagaallanka argagixisada, isaga oo xusay in meel kasta iyo god kastoo argagixisadu gasho ay ka dabageli doonaan.


Wasiirka gaashandhiga waxuu intaa raaciyey oo yiri waa xaq haddii la dhaho dawladda Maraykanka waxa ka go’an inay dabagasho Al-qaacida meel kastoo ay tagto, iyada oo la hubinayo in aragixisadu waydo meel ay ku dhuumato, isagoo dhinaca kalena hadal u jeediyey ciidammada Maraykanka ee ku sugan wadanka Jabuuti oo tiradooda lagu qisaayay ilaa 3,500 askari.

Dawladda Jabuuti waxay hore shaaca ugu qaaday in ciidamo gaaraya ilaa 850 askari ay u soo dirayso Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya hawlgallada ciidammada AMISOM ka wadaan magaalada Muqdisho.