Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ciidamo Somaali Iyo Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Saldhig Weyn Oo Ay Shabaab Dhuxusha Ka Dhoofiyaan

Thursday - December 15, 2011

Nairobi: Ciidamada kenya Iyo Kuwa Somaalida oo is garab socda ee dhawaana la wareegay tuulada Buur-gaabo oo ku dhawaad 120 u jirta magaalada Kisimaayo, ahna magaalada ugu weyn ee dhuxusha Somaaliya laga dhoofiyo ayaa xanibaad ku soo rogay ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha.

Degaankaas oo ay ciidamada kala wareegeen kooxda al-shabaab ayaa waxaa ay al-Shabaab canshuur ahaan dhuxushaani ka heli jireen lacag lagu qiyaasay 15 milyan oo dollar sanadkii iyadoo dhuxushaani sida laga war hayo loo dhoofin jiray dalalka carabta.

Saameynta ka ganacsiga dhuxushaan ayaa waxa ay sabab u tahay xaalufin badan oo lagu sameeyey xaga dhirta, waxayna arintaan ku soo aaday xili ay ciidamada Kenya iyo kuwa soomaalida ay hawl-gal ahaan ku sii gurguuranyaan degaanada Jubooyinka hoose oo qorshuhu yahay in la qabto Magalada Dekada Kisimaayo.