Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Quruxda Qofka Ibnu Aadamka Ah Iyo Qaybaheeda By Bashiir Karshe

Friday - December 16, 2011

Akhristayaasha qaayaha badan waxaan manta oo jimce ah la jeclaystay inaan la qeybsado quruxda qofka ibnu aadamka ah, iyo qeybaheeda, hadaba waxaan bal eegaynaa quruxdu waa maxay: Wa shay ibnu aadamku wada yaqaan qofkana lagu majiirto uuna dheer yahay dadka intiisa kale,

Quruxda ayaa hadaba noocyo badan leh: Mid Muuqata (Dhahir ah) iyo mid Dahsoon (Badhin). Ibnu aadamkuna qola wal iyo qoomiyad waliba quruxda way taqaan waanay jecel yihiin, waxase lagu kala duwan yahay noocyada quruxda: Tusaale: marka la eegayo gabdhaha loogu magic daro boqoradaha quruxda waxa lagu kala saaraa suaalo badan, dharqaadkooda, iyo muaamalaadkooda iyadoo lagu saleynayo wixii dawladaha waxan wataa ( oo reer galbeedka u badan) wanaag la ah oo cuntadeeda iyo cabitaankeeda iyo hurdadeeda i.w.m lala soconayo mudo dheer oo ay meel ku jiraan.Gabar kasta oo ka qeyb gashana la weydiinayo su,aalo markaas qaacidadooda ah.

Hadaba akhristoow manta inagu taynu eegaynaa ma aha ta GALBEEDKA ee waxaan dul istaagayaa quruxda qofka muslimka ah RAG iyo Dumarba. Ilaahay ayaa Yiri (Alle waa qurxoon yahay waanu jecel yahay qurxoonaanta) Akhriste hadaba quruxdaas aynu soo sheegnay qiimaha ay Ilaahay agtiisa ka leedahay, inaguna aynu wada qadarino waxay u kala baxdaa sidan:

1.Quruxda Qalbiga oo ah In uu qalbigu ilaahay xasuunaado kana cabsado!

2. Quruxda Carabka oo ah in ilaahay dikrigiisa aad badiso kuna hadasho wax wanaagsan.

3. Quruxda Guud oo ah inaad ku toosto jidka alle ku amray kana dhawrsato jidka shaydaanka.

4. Quruxda Hoose ee aan la arkahyn oo ah in aad ilaahay ugu mahadiso nimcadiisa uu kugu manaystay, adigoon koobi karahynin nimcooyinka ilaah kugu galaday.

5.Quruxda Muuqata oo ah inaad ku qurxisato wajigaaga iyo dushaadaba daacadnimo ilaah dartiis ah iyo cibaado suuban oo alle aad la hor timaado.

6. Quruxda Hadalka oo noqonaysa inaad ka cado dhigato RUN SHEEGIS joogto ah.

7. Caqligaaga oo aad ku qurxiso barashada diinta iyo culuumta kale ee maadiga ah kuna dhaqanto. Intaas oo isu kaa raaca waxaad heshay quruxdii Ifka iyo tii Aakhiro, ilaahay quruxda la arkaayo iyo teeda qarsoonba (dahsoonba) ha nagu arzaaqo hana naga yeelo kuwa taajka runta iyo hadal wanaaga aakhiro loo xiro. Intaas manta ha inoo joogto.