Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Mareykan Iyo Itoobiyaanka Oo Daba-Furfur Ku Sameynaaya Go'aankii Xildhibaanada DKMG

Saturday - December 17, 2011

Maamulka dawlada Obama Ee dalka Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inu ka kurbeysan-yahay majaxaabada lagula durduriyey Gudooniyaha baarlamaanka Shariif Sakiin iyo ku xigeenkiisa oo halkaas ay ka dhalatay is maan-dhaaf siyaasadeed iyo dulqaad la'aan taaso keeni karta ayeey yiraahdeen in lagu hafto geedi socdka qorsha la doonaayo in dalka lagu soo dabaalsiiyo.

Masuullinti Mareykanka ka hadashay dhacdadaas is-maandhaafka ayaa isla markaa hadalkooda ku sheegay in dhinacyada isku haya muranka siyaasada ay tahay iney mudnaanta kowaad ku jiheeyaan sidi loo dhaqan galin-lahaa Roadmap-ka loogu tala galay in wadada cad cagta loo saaro dadka iyo dalka Somaaliya, waxayse warkooda si raaciyeen in rajo xal ah ay ka qabaan boqashada la filaayo iney mogdisho ku soo gaaraan wafdi ka socda IGAD iyo midowga Afrika.

Sida la sheegaayo ama iskaba cad dowladda Mareykank iyo itoobiya ayaa mooqifkoodu yahay iney difaacaan Shariif Sakiin oo sida la cadeeyey khaladaad iyo dunuub ka galay baarlamaanka, waxayna iminka u gogol-xaarayaan in afgaradka dhinacyada u ku dhamaado sidi Shariif Sakiin ku sii hayn- lahaa xilka gudoomiyaha Baarlanaanka illa bisha august 2012, waxaaba wararka odoroska loo badinaya in reer galbeedka iyo itoobiyaan-kaba hindisaha hankooda fog u yahay sidi mustaqbalka Shariif Sakiin xilka madaxtinimada loogu wareejin-lahaa maa daama u yahay nin wixii la doono laga saxiixan-karo gaar ahaan hiyigooda xeebaha iyo kala qoqobka Somaaliya.