Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Guuldaro Kadib Ambassador Mahiiga Oo Shaqada Laga Erinaayo

Saturday - December 17, 2011

Xigasho Duraan Shirwac London/UK: Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helayno xubno mahiim ah oo kala jooga xaafiiska Unpos ee magaalada Nairobi iyo weliba xaqiijin aaan ku samaynay arintaas,kadib markaan weydiiyey xubno mahiim ah oo ka hawlgala xaafiiska qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya oo fadhigodu yahay magaalada Newyork ee dalka mareykanka,igana codsadey inaan magacooda la sheegin ayaa waxay ii xaqiijiyeen inuu Amb-mahiiga ka huleeli doono xaafiiska Unpos ee arimaha siyaasada Somaaliya u qaabilsan qaramada midoobay oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Taasoo badalkiisa lagu sifeeyey inuu ku guuldareystey Amb-mahiiga arimahii Soomaaliya ee loo idmadey inuu wax ka qabto,waxaanan lagu sifeeynayaa badalka Amb-mahiiga cabasho aad u farabadan oo ka timid dhanka wax qabad la,aantiisa iyo weliba is daba marin,taasoo ka imaanaysa dhamaan umada soomaaliyeed oo shacab iyo dawladba leh,taasoo cabashadaasi noqotey mid buux dhaaftey xaafiis Guddoomiyaha qaramada midoobay mr Bankmoon.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in lagu badali doono Amb-mahiiga nin u dhashay dalka Nayjeeeriya oo arimaha Soomaaliya wakiil uga ahaa xaafiiska AU-da e magaalada adis-ababa mudo aan ka yareyn 18-sano.

Waxaana hada la sheegayaa in warqadii lagu badali lahaa Amb-mahiiga ay ka soo baxdey xaafiiska gudoomiyaha qaramada midoobay sida la sheegana waxaa xilwareejinta mahiiga iyo masuulkaas cusub lagu wadaa ineey dhacdo bartamaha bisha janaayo ee sanadka cusub ee 2012-ka.

Waxaana taas dheer oo nasoo gaaraya inaan shariif xassan xilka laga qaadi doonin taasoo sabab looga dhigay inuu xil ka qaadistuusu ay ahayd sharci daro si weyna ay uga hortimid beesha caalamku kuna gacansayrtey go'aaankii ka soo baxay xubnaha golaha baarlamaanka.

Xogtan waa xog xaqiiqo ah oo lagu kalsoonaan karo oon ka kala helay xubno katirsan xaafiisyada qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo fadhigoodu kala yahay magaalada Nairobi ee dalka kenaya iyo magalada Newyorka ee dalka mareykanka kuwaasoo magacyadooda diidey in la baahiyo .. Durraan Shirwac [email protected] London/Uk