Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dhinaca Caafimaadka: Waa Maxay Shaqada ilmada ilintu Qabato ?

Monday - December 19, 2011

Mawduucan waxa aynu maanta waxa ka yara taataaban doonaa haddii Ebbe idmo shaqada ay ilmadu u qabato indhaheena.

Indhuhu waa xubin ka mid ah xubnaha jirka ugu qiimo badan. Haddaba waxaa indhaha ku dhaca maalintiiba ama gasha wasakh/uskag, ha noqdaan, tin, ha noqdaan cayayaan duul duula, ama boor wata ciid iyo waxyaalo kale oo indhaha gala.

Shaqada ugu weyn ee ay ilmadu indhaha u qabato waa in ay ka nadiifiso wasakhda gudaha u soo galaysa indhaha.

Ilmada waxa loo kala qaybiyaa/saaraa saddex nooc.

1- Base tears
2-Reflex tears
3- Emotional tears

1- Base Tears, waa marka ay wasakhdu ama boor ay indhaha gudaha u soo gasho, ee ay ilmo qofka ka timaado, ilmada biyaha ayaa xuubka geeska la yiraahdo (cornea) ka dhigta qoyaan si uu markaa indhaha uga nadiifiyo wasakhdii soo gashay indhaha. ilmada biyaha waxaa soo saara qanjiro ku jira qaybta afka qalaad lagu yiraahdo (conjunctiva) qanjidhka ilmaduna waxa uu ku jiraa saqafka sare ama xaga sare ee godka isha.

2- Reflex Tears, waa marka ay isha wax xanxantaynayaan, ama dhibayaan, ama ay wax aan la garayn qofka isha ka galaan, tusaale oo kale qofku marka uu basal dhilayo, ama tiirgas ay indhaha qofka ka galaan.
waxa kaloo reflex tears keena, cadceeda marka ay indhaha qofka kaga dhacdo oo qofku ilmeeyo, ama cunto basbaas leh aad cunto oo markaa ilmo kaa timaado. Waxaa kale oo reflex tears keena, matag, qofkuu marka uu matago ilmo ayaa ka timaada, sidoo kale, marka uu qofku hamaansado ilmo ayaa ka timaada, sidoo kale marka uu qofku qufaco ilmo ayaa ka timaada. Marka kasta oo ay qofka ilmo ka timaado, waxaa ilmodaasi safaynaysaa wasakhdii yaryarayd ee indhaha ku jirtay (small particles)

3- Emotional tears
Waa ilmada dareenka wadata ama ka timaada qofka , marka ay murugo u timaado, ama stress, ama farxad weyn, ama damqasho xanuun wata.
ilamada dareenka wata waxaa ku jira Proteiner (borotiiner), dheecaano, iyo dheecaano xanuunka yareeya. dareenkan Emotional tears, wuu ka duwan yahay labada nooc ee 1 iyo 2 kor ku xusan.

Waxa aan intaa ku soo gebogabaynayaa macduucan Waa maxay shaqada ilmada ama ilintu?

Waxaa maqaalkan soo diyaariyey iskuna soo daba riday: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines) E-mail : [email protected]