Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xeelado Cusub Ayey La Soo Baxeen Akhwaanki Masar Oo Reer Galbeed Ku Noqotay Hub Dhacaya

Monday - December 19, 2011

Reer Galbeedka ayaa ka tacajubsan fikirka garaad iyo xeeladaha isbadal-doonka cusub ay jeebka kala soo baxeen akhwaan musllimiinta Masar oo dhawaan sida la sheegay rag iyaga ka mida oo maal-qabeen ah ay dib u iibsadeen golayaashi caweyska inkaarta ku qabay fal-falxumada oo sida la sheegay xeel ahaan loogu dhigay dhallinyarada Masar in lagu baro fasaadka dhileysiga iyo sakhrada khamriga oo intooda badan ka forneyd halboolayaasha faras-magaalaha Qaahira, kuwaasoo waa aakhwaanke markay arkeen aasaaska dhabta ee dhibka iyo saaqid-nimada kuwa nolosha ka dhacay ee dhallinyarada Masar ay u sabab tahay mirashada Qoob ka ciyaarka caweyska gabdhaha iyo dhallinyarada oo sida walbahaarka leh halkaas loogu fasahaadiyo oo dabadeed durufkooda qalfoofa xabaalaha la dhigo iyo mashaaiikhdaas oo ka damqaday sida loo baalmaray anshaxi iyo dhaqankii islaamka.

Shiikh Ridha oo isagu sida la sheego hawlaha ganacsiga iyo wax soo saarkana ku dhabar jaba, isla markaana xubin ka ah xisbiga akhwaan musllimiinta Masar ayaa isagu si sharci ah uu iibsaday dhismayaasha sida gaarka ah loogu Qooqo oo u ka bixiyey malaayiin lacaga ah oo dabadeed dibu habeyn dhismo iyo mashaaric nafac u leh bulshada halkoodi galiyey .. Shiikh Ridha oo isagu ku hanaqaaday samafalada anshaxa wanaagsan iyo xaqa alle ayaa dawladi Hore ee ka talin jirtay cariga Masar waqtigi Xusni Mubaarak ay dhawr jeer oo kala duwan xabsiga dhigtay iyadoo lagu eedeeyey inu hawlaha samafalka u ku dhex wado shirqoolo afgambi,waxaana u xabsiga ka soo baxay markii Mubaarak meesha ka baxay

Siyaasadaan cusub oo ay la soo baxeen Akhwaan musllimiinta ee ku jeheysan iney si sharci ula dagaalamaan fasaadka iyagoo iibsanaya dhismayaasha fusuqa lagu abaabulo, waxaana qorshahaas loogu tala galay in meesha ay ka baxdo hadadaadi lagu maquunin-jiray caweysyadaas in albaabada loo laabo oo markaan xeelad ganacsi loogu soo gabaday, sido kale waxaa halkaas iyadana loogu tala galay in meesha ay ka baxdo ereyadi loobiga reer galbeedka sababaha ka dhigan-jireen ee ahayd waxaa meel looga dhacay xuriyadi iyo xuquuqdi insaanka dadka.

Kooxo iyagu hunqaacada khamriga iyo fasahaadka Quud u yahay una reereysan dhaqanka reer galbeedka oo og nin ganay iyo nin galaday, arkeyna sababihi danahooda meesha uga bixi-lahaayeen ayaa sheegay in ujeedada xeleysan ay la soo baxeen akhwaan muslliminta ay dad badani candhuuftooda dib u liqi-doonaan .. waaba la ogaan ayey yiraahdeen waxa ay soo wadaan , waxayse warkoodi ku qireen oo yiraahdeen, wey isi soo gabtay war-wareegi waxaana dhacay waxay doonayeen Akhwaanki Masar.