Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Al-Shabaab Oo Bog Internet "Twitter" Ka Furatay Amerika Si Ay U Helaan Dhallinyaro U Dagaalanta

Wednesday - December 21, 2011

Washington: Dawlada Maraykanka  ayaa sheegtay inuu soo kordhayo walaaca ay ka qabto  shabakeda ay Al-shabaab dhawaan ka furatay boga Internet-ka ee Twitter-ka, iyada oo saraakiil u hadlay Maraykanku ay sheegeen in ay si dhow ula socon doonaan bartaas, oo ay  suurtagal tahay  in la xiro dhawaan.

Saraakiisha Maraykanku waxa ay sheegeen in haddii xukuumaddu ay u aragto bartaas in ay tahay mid lagu hurinayo colaadda Soomaaliya ay xiri doonto, balse haddii uu yahay goob la isku dhaafsado fikradaha ay dib u eegayso furnaashihiisa.

Kooxda  Al-shabaab ayaa ku soo bandhigta bartan oo ay toddobaad ka hor ay fureen wararka ku saabsan dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMSIOM iyo kuwa Kenya ee ay dagaalka kula jiraan, iyada oo ay ku soo dhacaan fariimo fara badan oo ay soo dirayaan dadka  shabakedaas ku xidhan.

Wararka lagu qoro Twitter-ka Al-shabaab dhammaantood waxa ay ku baxaan afka Ingiriiska, iyada oo aan lagu qorin afka Soomaaliga, waxaana saraakiisha Maraykanku sheegayaan in walaac laga qabo in  bogan  ay Al-shabaab u adeegsadaan in ay ku helaan dhallinyaro u dagaalama.

Saraakiisha Maraykanku waxa ay sheegeen in Twitter-ku uu yahay sharci, balase ay iyagu si gaar ah u xii-doonaan barta ay Al-shabaab ku leedahay ee @HSMPress, kaasoo tirada jawaabaha ku diraya ay marayaan 4,600 qof.

Twitter ayaa waxa ay xaruntiisu ku taalaa Magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka , iyada oo ay isticmaalaan qiysaastii 100 Million qof. Af-hayeenka shirkadda, Matt Graves ayaa  sheegay  in loo baahan in dib u eegis:  " Waxaan tixgelinaynaa in lagu soo bandhigo Twitter sheekooyin xiiso leh, balse dib ayaan u eegaynaa falooyin ku baxa khaanaddan." Ayuu Graves.