Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Mucaaradka Dalka Eritrea Oo Bilaabay Dacaayado Lidi Ku Ah Xukumada Afawerki

Tuesday - January 17, 2012

Addis Ababa Macaaradka dalka Eritrea, ayaa toddobaadkan bilaabay olole dacaayad ah oo ay  doonayaan in ay ku wiiqaan meeqaanka dawlada dalkaas ku leedahay aduunka, kuwaasoo taageero ka helay dawlada ay cadowga yihiin Madaxweyne Isias Afwerki.

Hogaamiyaha golaha ay ku midoobeen mucaaradka Eritrea Yuusuf Berhanu, ayaa sheegay in xukumadda isayas Afwerki ay tahay masiibo ku habsatay gobolka Geeska Afrika . Yuusuf  waxa uu  hadalka ku dhawaaqay mar uu  maalintii shalay saaxafada kula hadlayay Magaalada Addis Abab, waxaana uu xukuumada Madaxweyne Afwerki ku eedeeyay in ay ky hawlan tahay falal degonaansho la’aan laga abuurayo wadamada deriska.

"Xukumadda Asmara waxa ay guud ahaan gobolka Geeska Afrika ka abuuraysaa qalalaase. Waxaana ay faragalin ku heysaa arrimaha gudaha ee Soomaaliya,  Djibouti , Sudan, ETHIOPIA  iyo Yemen... Xaqiiqiyan waa masiibo," ayuu yiri Yusuf.

Xukumadda Eritrea ayaa lagu eedeeyaa in ay taageerto ururrada mucaaradka ee guud ahaan dalalka gobolka, waxeyna siisaa qalab, saanad iyo tababar .. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishi December 2011 sare u qaaday cunaqabateyntii saarneyd Eritrea, taasoo sabab looga dhigay ficillada ka dhanka ah amaanka iyo xasiloonida gobolka ee xukumadda Isayas.

Golaha ay ku midoobeen mucaaradka Eritrea ayaa bishi  hore  waxa ay shirweyne ku yeesheen Magaalada Hawassa oo ah Magaalo madaxda Is-maamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka  Ethiopia . Shirweynahaas ayaa lagu dhisay maamulka golaha Mucaaradka, isla markaana lagu doortay Yuusuf Berhanu inuu noqdo hogaamiyaha golahan.