Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dawlada Somaliya Iyo Kenya Oo Si Deg Deg Ah U Baaraya Dhacdadi Caruurti Lagu Halaagay Degmada Jilib

Wednesday - January 18, 2012

Mogdisho- Nairobi: Dowladda Soomaaliya oo la kaashaneysa Kenya ayaa sheegtay iney si deg-deg ah u sameyn doonaa baaritaan dhab ah ee la xiriira dhacdadi ka dhacday degmada Jilib ee halkaas lagu xasuuqay 6 caruura oo u dhalay Cabdullaahi Macallin Xuseen

Riisal Wasaaraha Dawlada Somaaliya Dr.Cabdiweli gaas oo sheegay baarista la sameyn-doono ayaa inta ku daray oo yiri: Kenya iyo Soomaaliya waxey wadaan howlgal ballaaran oo looga soo horjeedo kooxaha nabad-diidka ah ee shacabka ka hor-istaagay gar-gaarka bani’aadanimo iyo nabaddii. Waxaan rajeyneynaa ayuu yiri in howlgalladaas lagu guuleysto oo shacabka Soomaaliyeed laga dul qaado cadowgooda Al-Shabaab si shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad waarta.

Waxuuna intaa raaciyey in Markale Dowladda Soomaaliyeed aad iyo aad uga xuntahay khasaaraha shacabka soo gaaray waxaana lagu dadaalayaa in dhacadadaan laga faa’iideysto oo la yareeyo ama la joojiyo falalka hawlgalada shacabka wax lagu gaarsiinaayo

waxuu yiri Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in dalka lagu soo dabaalo nabad oo shacabku ay ka tashadaan aayahooda.