Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Daahir Alasow Oo Warbixin Ka Qoray Fashalinta Somaliland Iyo Qorshaha G9

Wednesday - January 18, 2012

Xigasho Waaga cusub: Maleeshiyo beeleedyo u dhashay qabiilka Dhulbahantaha ayaa la xaqiijiyay inay sedex jiho ka kulaalayaan Magaalada Laascaanood oo ay ka arrimiyaan Ciidamo taabacsan Somaliland.

Maleeshiyo beeleedka Dhulbahante oo la rumeeysan yahay inay si dhib yar kula wareegi doonaan Laascaano,waxay ila wareedyo muhiima ku xog warameen inuu bartilmaameedkoodu yahay degaano ka baxsan.
Maleeshiyadda Dhulbahante waxaa la xaqiijiyay inay dagaalada loo yaqaan HIT and RUN ku qaadayaan tuulooyin iyo Magaalooyin ay qabiilka Isaaqa degaan si ay u falaan tilaabooyin ay ugu magac dareen AARGOOSI.
Aargoosigooda wuxuu noqon karaa inay Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Isaaqa gubaan ama dadka ku nool laayaan.
Inkastoo bulshada Dhulbahantaha rumeeysan yihiin %85 inuu dagaalka u dhaxeeyo Dhulbahante iyo Isaaq hadana hadii ay Maleeshiyaadka Daraawiishta laayaan dad u dhashay Isaaq waxaa hubaala inuu dagaalka si rasmiya iskugu rogi doono weji qabiil taas oo ka dhigan farsamooyinka ay Xeeldheerayaasha Khaatumo ku majaxaabinayaan Maamulka Siilaanyo.
Qorshaha G6 iyo shaxda dagaalkooda !
Xubnaha Golaha G6 ee hada laga dhigay G9 oo ka kooban qeybaha Siyaasadda,Gaashaandhiga,Dhaqaalaha iyo Dhaqanka waxay hindisahooda ka iibiyeen beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Ethiopia ,sidoo kalena fikirkooda waxay geliyeen bulshaweynta Dhulbahante si ay ilkaha uga siibaan siyaasiyiinta beeshooda ee ku daaban Puntland iyo Somaliland.
Golaha G6 ee Prof Cali Khaliif Galeydh ka soo dhexmuuqdo waxay taageero xoogan ku heleen hindisaha ay ku duulayaan oo ay ka mid tahay inay ka shaqeeynayaan Midnimada Somaliweyn iyo in beesha Dhulbahante lagu xaqiray Somaliland.waana labada qodob ee beesha Caalamka iyo inta badan Somalida ku taageertay.
Xilalka ugu sareeyo Somaliland sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Gudoomiyaha Baanka dhexe.Hanti dhowrka guud,Gudoomiyaha Maxkamadda sare,Taliyeyaasha Ciidamadda sida melleteriga,Nabadsugida iyo Boliiska dhamaantood waxay u dhasheen qabiilka Isaaq,waana tan sababtay in Dhulbahante caleema qoyan u ruxo KHAATUMO STATE OF SOMALIA.
Kalsoonida iyo Gaashaanbuurta Dhulbahante.
Si Caalamka loo tuso in Somaliland noqotay mid ku kooban beesha Isaaq waxay Dhulbahantaha Gaashaanbuur la sameeysteen qabiilka Gadabuursiga oo degaan ahaan ku nool Awdal iyo Gabileey.
Gadabuursiga waxay dhisteen Maamul goboleedka Awdal State of Somalia lana mida Khaatumo State of Somalia.
Dhulbahante waxay Gadabuursiga u arkaan muhiim maxaa yeelay waa qabiil degaan balaaran leh oo waliba ku xoogan sedexda wado ee Isaaqa maraan iyo Ismaamulka Kililka 5-aad ee Ethiopia.
Ciidamadda ugu badan ee Liyuu Booliska Kililka 5-aad Ethiopia waxay u dhasheen Gadabuursiga laga bilaabo Loowyacadde,Harowo,Awbarre,Lafaciise,Cagaar weyn ilaa Jig jiga.
Waa arrin cad inay qadiyada dagaal ka siman yihiin Gadabuursi iyo Dhulbahante maxaa yeelay Ciidamadda Liyuu Booliska Gadabuursi waxay ahaayeen kuwii Wardheer ilaa Taleex galbiyay Cali Khaliif Galeydh iyo wafdigii la socday ee shirka Khaatumo 2 kala qeybgalay.
Ciidamadda Liyuu Booliska Ethiopia waxaa la xaqiijiyay inay Madaxweynaha Awdal State Rashid Aw Nur iyo wafdi la socda oo ku wajahan Jig Jiga u galbin doonaan Awbarre ,Baki Ilaa Dila taas oo si sahlan u sababi karto inuu dagaal ka dhex qarxo Gadabuursi iyo isaaq.

Ra’isulwasaraha Somalia Abdiwali Gaas oo Madaxtooyadda Villa Somalia ku qaabilay Madaxweynaha Awdal State ayaa munaasabada kulankooda ka sheegay in Dowladda Federalka aqoonsi siisay Awdal State ,ulana macaamili doonto sida Somaliland,Puntland iyo Galmudug halka uu Khaatumo State of Somalia ka yahay garwadeen Cabdi Kariim Jaamac oo ah ninka keliya ee dhegaha Madaxweyne Shariif maqlaan.
Hadii Dagaal dhaco maxaa dhici kara?
Hadii Dagaal sokeeye ka qarxo Sool iyo Awdal waxaa hubaala inuu ku fidiyo guud ahaan gobolada .
Dhulbahantaha waxay qabaan in maatidooda qaxda ay u furan yihiin wadooyin badan sida inay Puntland salka la galaan,Mudug u baxaan ama Ethiopia u tilaabaan laakiin qabiilka Isaaqa ma muuqato jiho u banaan.
Isaaqa iyo Ogaadeenka Kililka 5-aad waxaa ka dhaxeeya Colaad fogaatay halka ay dhinacyadana ka fadhiyaan Dhulbahante,Warsengeli,Gadabuursi iyo Ciise.
Inkastoo dagaalka uu mar walba yahay mid u dhaxeeya dad hubeeysan hadana waa arrin adag in qabiilada magangeliyaan maatida Isaaqa maadama dagaalka yahay mid u dhaxeeyo iyaga iyo Maamulka Siilaanyo.
Xasaasiyadda Qabiilka iyo Maamulka Siilaanyo.
Saraakiisha Dhulbahante iyo Gadabuursi ee la shaqeeynayay Maamulka Siilaanyo oo qiirada qabiilka qaaday ayaa bilaabay inay ka baxsadaan Somaliland oo ku biiraan Maamulada qabiiladooda halka ay jiraan qaar badan oo cabsi darteed hoos u guuxaya.
Taliye ku xigeenkii Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa u goostay Magaaladda Buhodle ,wuxuuna Warbaahinta madaxabanaan u sheegay inuu ku biiray Maamulka Khaatumo State of Somalia oo beeshiisa dhisatay.
Sarkaalka beesha Dhulbahante u dhashay ayaa Laascaano ka baxsaday xilli Ciidamadda Boliiska u caalwaayeen xakameynta dibadbaxayaasha taabacsan Maamul Goboleedka Khaatumo ee looga dhawaaqay shirweynaha Magaaladda Taleex uga socda boqolaal ka tirsan qeybaha kala gedisan ee Beesha Dhulbahante.
Laascaano oo ah Magaalo qabiilka Dhulbahantaha degaan waxay xilliyo badan u muuqatay Magaalo la mida Magaaladda Baghdad oo Shiica iyo Suniyiin ku loolamayaan.
Somaliland iyo Puntland ayaa xilliyo ka arrimiyay hasse yeeshee sanadkaan waxay u muuqataa mid hoos tagi doonta Khaatumo State of Somalia.
Anwar Saadat wuxuu yiri DAGAAL QOF YAQAAN KUMA DEG DEGO balse saan saanta gobolada Waqooyi waxay labaatan sano kadib u muuqataa mid u holci doonta sida koofurta Somalia hadii aysan bulshada ku nool u duuban dantooda,oo sida dhaqanka Somalida lagu yaqiin geed hoostiisa ku xalin khilaafkooda,iyagoo meesha ka saaraya awood ku faan iyo laandheerenimo.
By Dahir Alasow