Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Khilaafkii Mas'uuliyinti Galmudug Oo La Xaliyey

Thursday - January 19, 2012

Galkacayo – Guddi isugu jiray waxgarad iyo ganacsato oo ku howlanaa xallinta khilaaf ka dhex oognaa baarlamaanka iyo xukuumadda maamulka Galmudug ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu soo afjaray khilaafkaas, uuna ka soo saaray 15 qodob.

Wasiirka maaliyadda ee maamulka Galmudug, Cabdullaahi Jaamac Shire oo akhriyay qodobbada ay soo saareen guddiga dhex dhexaadinta ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Maxamed Axmed Caalin iyo baarlamaanka ay sii shaqeyn doonaan 6-da bilood ee soo socota, in dib loo soo celiyo wasiirradii la casilay iyo kuwii is casilay, in baarlamaanka muddada lixda bilood ah uusan keeni karin mooshin ka dhan ah xukuumadda iyo in aanu madaxweynuhu casili karin wasiirrada, iyadoo aanay jirin caddeymo muujinaya sababta xilka looga qaadayo.

Guddi madaxbannaan oo ka kooban shan xubnood ayaa la magacaabay, oo uu hoggaaminayo Prof. Maxamed Faarax Jimcaale, kaasoo noqonaya mid loo noqdo marka uu khilaaf yimaado.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaas, Xasan Maxamuud Heyl ayaa soo dhoweeyay qodobbada ay soo saareen guddiga oo markiisii hore ka tegay Muqdisho, una istaagay xallinta khilaafkii u dhexeeyay xukuumadda iyo baarlamaanka maamulka Galmudug.