Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Magaalada Taariikhiga Ee Taleex Oo Looga Dhawaqay Xubnaha Hogaanka U Qabanaya Maamulka Khaatumo

Thursday - January 19, 2012

Taleex - Waxaa hadda lagaga dhawaaqay Berdaha Khaatumo ee Magaalada Taleex, xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo.

Xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo xaalada adag ee lagu jiro. iyadoo hadda loo dhaariyey xilkii qaar kamid ah.

Waxaa si ku meel gaadh ah loogu doortay magaalada Taariikhiga ah Taleex inay noqoto Caasimadda maamulka Khaatumo.

Waxaa iyana lagu dhawaaqay in Golaha Wakiiladu ka  koobnaan doono 47 xubnood oo 9 ka mid ah loo qoondeeyey inay noqdaan Hablaha Khaatumo.

Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah:

- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

- Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel)

-  Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- ( Dib baa laga dhaarinayaa)

 Magacayada Golaha Wasiirada:

1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)-  Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha

2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka

3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda

4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga

5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada

6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha