Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan Saylici Oo Qarka U Saaran Inu Iscasilo

Thursday - January 19, 2012

Hargeysa-Xigasho Waaheen: Khilaafkii manta ka dhex qarxay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ilaa hada taagan waxaana wararka la helayo sheegayaan in Ergooyin dhawr ah oo galay wali aanay ka gaariin natiijo rasmi ah oo ay iskugu soo dhaweynayaan labada dhinac.

ilo u dhuun daloola dhawr kulan oo manta Ergo ahaan ugu tagay sidii loo dajin lahaa khilaafka ayaa sheegay in Saylici ku adkaysanayo in Madaxweyne Siilaanyo wax ka qabto sidii nidaamka maamul ee dalka looga qayb galin lahaa talada uu ku leeyahay isla markaana talo qaran looga yeelan lahaa xaalada ka taagan Gobolada Barrie e dalka.

Saylici ayaa la sheegayaa inuu saluugsan yahay talada dalka oo ku Ururtay koox wasiiro ah kuwaasoo sida ay doonaan kolba Madaxweynaha dhegta ugu saara inuu u Ansixiyo waxay doonayaan, isla markaana aan kala tashanaynin hay’adaha Qaran ee kale iyo isaga toona taasina uu u arko inay sii cakirayso xaalada uu Dalku ku jiro taasoo u baahan in loo talo badsado.

Si kasta ha ahaatee waxa ay wararkii u danbeeyay ee aanu ka helnay sheegayaan in ay wali socdaan kulamo lagau xalilayo tabashooyinka Madaxweyne ku-xigeenka oo aha kuwo isbiirsaday.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa manta ku gacansayray Xukuumadiisa inuu kala qayb galo shirka Golaha Wasiiradda kadib markii uu khilaaf weyni ka dhex qarxay isaga iyo laba wasiir oo kala ah Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Arrimaha dibeda kuwaasoo ay isku maandhaafeen Hay’adda Qurbajooga oo maamul ahaan isaga hoos iman jirtay hase yeeshee hada ay ka hoos saareen.

Sidoo kale waxa soo food saartay in gabi ahaanba laga mamnuucay in laga talo galiyo hawlaha dalka ka socda isla markaana talaabo kasta oo uu qaado ayaa la mu’aamaradeeyay iyadoo loo diiday xubno uu shaqo galiyay dhawaan in shaqadii laga Eriyay iyadoo haba yaraatee aan wax tixgelin ah lagu siinin Xilka qaran ee uu hayo.

Waxa intaa u dheer oo aan laga talo galin xaalada dagaal ee ka socota Bariga Somaliland taasoo ahayd fursadaha ay helaan Madaxweyne ku-xigeenada Somaliland oo loo diri jiray balse imika dirid iska daaye aanu waxba kala socon iyadoo Gobolka uu ka soo jeedo Qurbajoogiisu abaabulayaan Maamul Goboleed gaar ah balse dhawaan uu isagu kala daadiyay oo uu barna xir xiray barna Dalka ka Eryay markii ay ka baqeen inuu qab qabto.

Si kasta ha ahaatee wararka ka soo baxaya Qasriga Madaxtooyadda ayaa sheegaya arrimahan is biirsaday awgood inuu Saylici xilka uga dago oo uu isku casilo, maadaama Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxba ka qaban waayay khilaafka lagu garbinayo taladii uu qaranka ku lahaa.

Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda oo ah saaxiibo aad iskugu dhaw isla markaana ah labada Masuul ee ay ka go’do talada ugu badan ee Dalka ayaan marna ixtiraamin ama aan qiimayn saamaynta ay arrintani yeelan doonto iyadoo Eeda Beelaha Gobolada barri u goosanayaan loo tiriyo Saluuga ay ka qabaan Maamulka Somaliland oo aanay talo badan ku lahayn ama aanay ka haysan Mansabyo ay ku qanci karaan.

Si kasta ha ahaatee haddii aan si dhakhso arrintan wax looga qaban waxa ay dabka ku sii shidi doontaa xaalada taagan, isla markaana waxay soo dadajin doontaa in galbeedka Somaliland-na ay ka qaraxdo mid la mid ah ta barriga Dalka ka taagani.