Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Itoobiya Oo Qoorta U Surtay Eritrea Masuuliyada Dilkii Loo Geystay Dal-Xiisayaashi Reer Yurub

Friday - January 20, 2012

Addis Ababa: Sida uu sheegay Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibeda ee dalka itoobiya Mr.Dina Mufti, waxa ay dawlada Itoobiya ka shaqeyneysaa sidii ay jawaab adag uga bixin lahayd weerarka lagu laayey dal-xiisayaasha reer Yurub ee ka dhacay deegaanka Cafarta.

" Waxaan ka shaqeyneynaa sidi aan uga jawaabi lahayn weerarka.... waxaa halkaa jooga xoogagga ammaanka," ayuu yiri Mr.Dina oo kula hadlayey warbaahinta .. Goor hore oo subnimadii  Salaasadii  aheyd ayey koox la aaminsan yahay iney ka soo gudubtay dhanka ERITREA waxa ay weerar ku qaadeen dal-xiisayaal u dhashay Yurub, kuwaasoo ku sugnaa lama-dagaanka Danakil ee deegaanka Canfarta ee dalka  Itoobiya.

Wararki ugu dambeeyey ee ku saabsan weerarkan, ayaa sheegaya in dal-xiisayaasha la laayey ay tiraddoodu tahay shan; labo Jarmal ah, labo Hungarians ah, iyo mid Austrian ah - halka dhaawacu uu gaarayo 22 - iyadanoo ay kooxda weerarka qaaday hore u sii af-duubatay labo Jarmal ah iyo dhowr Itoobiyan ah oo ay ku jireen laba saraakiisha ciidanka boolisku .. Dawlada Itoobiya , ayaa weerarkan dusha u saartay xukumadda Asmara, waxaana  ay sheegtay in ujeeddada Eritrea ay tahay sidii ay gobolka oo dhan uga abuuri laheyd xasilooni daro.

" Koox argagixisa ah oo ka soo tallaabtay xadka  dalka Eritrea ayaa laysay shanta qof " ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee dawlada federalka e dalka Itoobiya Bereket Simon.

 Dal-xiisayaasha ayaa weerarkan lala beegsaday xili ay tartiib u socdeen goobta cajiibka ah ee ay volcanada ka dhacdo ee Danakil deegaanka Canfarta, halkaasoo lagu tilmaamo in ay tahay goobta aduunka ugu kulul, taasoo dadka qaar ugu yeeraan" naarta aduunka."

Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa ah meel ay aad u xiiseeyaan dal-xiisayaasha iyo sawir-qaadayaasha, waxaana xaqiiqo ah in weerarkan uu uga sii dari doono xaaladda cakiran ee dhex-taal  Itoobiya iyo Eritrea ... Dawladda ayaa ciidan lixaad leh u dirtay goobta uu weerarka ka dhacay, taasoo qiyaasti 25 km oo kaliya u jirta xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Eritrea .