Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ikhwaanu Muslimiinti Oo Si Miisaan Culus Ugu Guuleysatay Dorashadi Masar

Saturday - January 21, 2012

Qaahira- Xisbiga ikhwaanu muslimiin ee wadanka Masar ayaa la iclaamiyey inu ku guulayatay doorashadii wadankaasi guud ahaan boqlkiiba 47% ,Xisbigan oo la yiraahdo Xisbul Xoriya wal cadaala ayaa guud ahaanba ku guulaystay 235 kuraasta Baarlamanka, halka xusbiga ku soo xigay oo isaguna ah xibi islaami ah ee la yiraahdo Xisbi Salafi Al-Nuur uu isna helay guud ahaan 125kursi.

Doorashadan oo socotay 6 Usbuuc oo soo martay seddex marxaladood ayaa lagu dooranayay mudanayaasha Aqalka Barlamaanka ee matali-doona shacabka reer Masar oo ka kooban 498 xildhibaan. waxaa jiray ashkhaas iyagu si gaar u sharaxnaa oo heley kuraastoodii .. Axsaabta islaamiga ah ayaa kuraasta ay heleen noqonaysa kala bar Baalamaanka.

Dhinaca kale Axsaab kala duwan oo tartanka galay ayaa iyaguna helay tiro aan badeyn oo kuraas ah sida xisbiga al-wafd oo helay 38 kursi iyo al-kutla-masriya oo iyagana helay 34 kursi, sido kale xisbiga al-Wasd oo helay 10 kursi iyo kuwa kale oo iyagana intaa in ka si yar helay.

Maalinta Isniinta ayaa xildhibaanada xarunta golaha shacabka baarlamaanka lagu dhaarin-doonaa dabadeedna ay halkaas ku dooran-doonaan Raiisal baarlamaan cusub iyo labdiisi ku xigeen.