Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shirka London Ee Ay Dawlada Ingiriiska U Gogoshay Somaalida Oo Qorshayaal Kale Lagu Biiriyey

Sunday - January 22, 2012

London – Sida uu ahaa qorshaha shirka Somalida loogu qabanayo London, ayaa la sheegayaa in  wax lagu soo kordhiyey. Warar ka imanaya dhinaca safaaradda ay Somalidu ku leedahay Faransiiska ayaa la sheegayaa in hadal uu warbaahinta mariyey Safiirka Somalida u fadhiya dalkaasi ayaa sheegay in markii hore loogu talagalay in shirka lagaga hadli doono dhibaatooyinka burcad-badeedda, Laakiin iminka waxyaal kale lagu daray, lagana dhigay mid lagu lafa guri doono dhammaan dhibaatooyinka ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya oo ay ku jiraan maamul goboleedyada oo dhan.

Intaa waxa ay wararka shirka London la xiriiraa ku darayaan in Ajnadayaasha shirka lagu kordhiyey in lagaga hadlo dhibaatooyinka ka jira guud ahaan Soomaaliya, lana xoojiyo dowladda KMG si meesha looga saaro dhibka taagan, sidoo kale shirka waxaa lagaga hadli doonaa sidii hal dowlad oo mid ah loogu dhisi lahaa Soomaaliya oo dhan ayuu yiri safiirku.

Sidoo kale safiirku waxa uu intaas ku daray in dowladda Faransiiska ay la qaban-qaabineyso dowladda Ingiriiska shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ka qaldan oo dhan, si ujeeddo mideysan looga qaato wax ka qabashada xaaladda murugada leh ee Soomaaliya muddo dheer haysata .

Ra’isul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron iyo dawladdiisa wadaagga ah ayaa sannadkii hore sheegtay inay shir u qabanayaan Soomaalida, kaas oo lagaga hadli doono wax ka qabashada ammaanka iyo burcad badeedda, balse Xukuumadda Ingiriiska kama aysan hadlin ballaadhinta shirka ee la sheegay.

Maamullada dalka ka jira qaarkood ayaa lagu casuumay shirkaas sida Puntland, Galmudug, Somaliland iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale ka qaybgalaya madaxda DKMG ah ee Soomaaliya oo bud-dhig u ah kulanka, iyada oo xukuumaddan jirta laga sugayo inay dhameystirto xilliga kala guurka ah oo ku eg bisha August ee sannadkan.

Somalilandna waxa mar kaliya ku kulmay ammaan darro dagaal oo ka soo wajahay dhinaca bariga, oo dhawaan shir ay qabsadeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Dhulbahante ay ka soo saareen dawlad goboleed ka madaxbannaan Somaliland iyo Puntland. Kaddibna arrintaasi ay sababtay in maamulka Somaliland uu weerar wax yeelo geeystay ku qaado magaalada Buuhoodle, halka ay rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac ay shalay ka dheceen Laascaanood.