Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qurba Jooga Iyo Shan Qaybood Oo Ay U Qaybsamaan By Fouad C/Salaam

Monday - January 23, 2012

Salaamu laahi caleykum,

ilaaheybaa mahad oo idil iska leh kaas oo inaga dhigey umad islaam ah wanaagana is farta xumaha iska reebta , Bulsho kasta oo meel ku dhaqane waxey u qeybsantaa qeybo kala duwan taas oo mar walba ay saameyn ku yeelan karto cid walba oo markaa deegaanka la dagen ama ka agdhaw, hadaba , bulshada somaliyeeed ee ku dhaqan qurbuhu waxey Fikrad Ahaanteyda u qeybsantaa SHAN qeybood oo kala ah:-

1. QEYB WAX BARATEY:

Qeybtani waa qeybta ugu wanagsan dhamaan qeybaha bulsho kasta , waa qeyb baratey aqoon nooc walba waxeyna ka faaideysteen wakhigoodii iyo fursada ay u heleen balad uu yaalo tacliin wanaagsan ,waxey qeybtani saameyn balaadhan ku leeyihiin bulsho kasta oo ay ku dhex noolyihiiin , waxey ku shaqeystaan aqoontood , waa dad iyaga loo baahan yahey oo wax soo saar leh , waa qeyb mudan amaan iyo bogaadin , waxey inta badan xasuusan yihiin wadankooda hooyo heerkiisa aqooneed , qaar badan oo dadka qurbaha wax ku barteyna waa qaar ka masuul ah ama aasaasey jaamacado badan oo ku yaal somaliland , Kuwaas oo maanta soo saarey jiilal badan oo dadkooda iyo dalkoda anfacey noqdeyna ubaxa lagu reysto .

2. QEYB HANTI TABACDEY

Qeybtani waa qeyb hanti tabcatey oo xoogsatey , waxey wakhtigooda badankooda galiyeen in ay ku shaqeystaan xirfad kasta oo ay garanayaan , waa qeyb amaan badan ku dhex leh bulshooyinka ay ku dhex noolyihiin , waa dad ku caan baxey karti iyo daacad nimo , hanti ay xoogsadaan iyaga ka sokow waxaa ka faaida bulshada somaliyeed , waa dad saameyn ku leh wadankii hooyo waxey shaqeystaan badankooda wadankey u diraan taas oo keenta in caawiso dhaqaalaha wadanka , hadii aad tagto maalmaha ay biluhu bilowga yihiin xawaaladaha lacagaha laga xawilo waxaad arkeysaa dad badan oo ku xoonsan kana qaadanaya lacag dibadaha looga soo direy , waa qeyb saameyn ku leh nolosha wadamada ay joogaan iyo waliba dhulkooda hooyo .

3. QEYB DAROOGO BARATEY

Qeybtani waa qeyb aad iyo aad u ayaan daran , waa qeyb aan khasaartey adduunyo iyo aakhiroba , waxey u badan yihiin dhalinyaro ku soo dhex kortey qurbaha , iyagoo badan koodu yimi iyagoo yar yar ama ku dhashey qaarkood ,
qeybtani wakhtigooda badankiiisa waxey ku qaadaan isticmaalida daroogooyinka kala duwan, ciyaarida khumaar iyo ciyaaro wakhtigooda ka cuna , waxey dhibaato badan ku hayaa waalidiintood iyo bulshada soomaliyeed , waxey magac xumo u soo jiidaan dhaliyarada hagaagsan ee bulshada ay ka soo jeedaan , waxey sababaan dagaalo iyo dilal qaarkood fool xunyihiin , waa qaar inta danbe wakhtigooda ku dhameystey sakhramid , turub ciyaar , games iyo wax la mid ah .

4.QEYB DHAQAN DOORSOONTEY:

Qeybtani waa qeyb caan ah , waxey ka tageen dhaqankoodii iyo diintoodii , waxey ku dhex milmeen dadka ka dhaqan iyo diin duwan , waxey ku nool yihiin nolol ka duwan tan dadka la ehelka ah , waa dhaliyaro inta badan ku soo dhex kortey qurbaha iyagoo yar yar yimi , waa dad ay u yaqaanaan marka summerka lagu celiyo wadankii NAAFO , markaad aragto ma garan kartid qofkani in uu waalan yahey iyo in kale , waa dad aan laheyn mustaqbal dhaw iyo mid fog , waxey xiiseeyaan oo noloshooda aasaas u ah heesaha sanadkaa socda, dharka sanadkaa socda iyo new fashionka waxey ugu yeedhaan , waxey isku heystaa dad horumarey wey adag tahey in aad qancido ,

5. QEYB CIMRI MOOYEE WAX KALE AANEY U KORDHIN

Qeybtani waa qeyb cimri mooyee aan kororsan wax kale , waa meesha kama tagayaal waxba ma kororsadayaal , waxey wakhtigooda inta badan ku qaataan sheeko iyo fadhiyada meelaha dadku isku yimaado , waxey u badan yihiin dad aan masuuliyad badan saarneyn , waa dad iska ilowsan qiimaha nolosha ay leedahey waxey u heystaan in ay noloshu tahey cun oo cab ka dibna seexo ,
qeybtani waxey ku caan yihiin in aaney laheyn aqoon fiican iyo waliba xifrad ay ku shaqeystaan.

Shantan qeyboood ee aanu kor ku sheegney waxaan la iloobin karin in bulsho walba leedahey in wangsan iyo in xun runtii , waxaa qaar la amano ah laba qeybood ee u sareeye oo kala ah qeybta wax baratey iyo qeybta hanti tabcatey,waxey faaido u leeyihiin labadooduba nafahooda iyo ehelkooda iyo waliba wadankooda hooyo , waa dad garanaya qiimaha loo aboorey iyo faaidada ay leedahay wakhtigu , waa dad jecel isbadal waana kuwa inta badan ka masuulka ah horumar kasta oo ah gaadho bulsho.

Guntii iyo gabo gabadii , akhrista hadii aad tahey qurbe joog waxaa kula gudboon in aad fahanto macnaha aad u joogto wadan shisheeye , danta doonta hakugu kalifto se in aad ka keentid faaido aakhiro iyo addunyaba ku anfacda ayaa wanagsan , hana noqon mid ku halku dhig ka dhigta CARO WALIBA CAMALKEDA LEH , Se Noqo Mid fahma maalmaha dunida la joogo iyo in aad goob walba iyo xillig walba naftaada, dadkaaga iyo dalkaaga aad anfacdo

ILAAHEY SIDA UU KHERYKU KU JIRO HAINA WAAFAJIYO ... Waad Mahadsantihiin

Fouad Abdisalam Hassan [email protected]