Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Culimaa Udiinka Reer Boorama O Ku Baaqay Iney Dhexdhexaad Ka Noqdaan Dagaalka U Dhaxeya Isaaq Iyo Dh

Monday - January 23, 2012

Posted by: Nimco Hargeysa:-(RT)  Qaar ka tirsan Culimaa udiinka Borama ayaa masaajiida Borama kaga hadlay mawqifka diinta Islaamku ka qabto dulmi la isku gargaaro . Culimaa Udiinka Borama waxa ay dadweynaha Borama uga digeen inay sameeyaan Mudaharaad ay ku tageerayaan Somaliland. Waxa kale oo ay dadweynaha ku buuriyeen inay dhexdhexaad ka noqdaan dagaalka u dhexeeya labada qabiil ee Isaaqa iyo Dhulbahantaha .

Hadalka Culimaa udiinka ayaa baajiyey mudaharaad maanta xukumada Somaliland damacsanayd inuu ka dhaco Borama . Dadweynaha reer Borama ayaa dhabarka u jeediyey raxan wasiiro ah oo Borama u yimid inay abaabulaan mudaharaad ka dhan ah Beelaha Dhulbahante ee dhawaan maamul goboleed ku dhawaaqay.

Dadweynaha Borama ayaa sheegay inay aad utaageersan yihiin mawqifka reer Sool ee ah inay aayahooda ka tashadaan. Waa markii labaad todobaadkan gudihii ee uu dhicisoobo mudaharaad lagu tageerayo jiritaanka Somaliland oo ay xukumada silaanyo ay rabtey inuu ka dhaco Borama.

Wasiirada tegey Borama ayaa aad ugu hawlan inay dhalinyarada Iskuulada dhigata iskugu soo baxshaan khayrida Borama si ay mudaharaad u sameeyaan lakiin sida ay noo sheegeen dad Boorame ku sugan ayaa leh marna dhalinyarada borama marnaba diyaar uma aha inay dhigaan mudaharaad ka dhan ah khatumo State .

Xukumada Silaanyo ayaa la sheegay inay Borama lacag ku qaybinayso si dadku iskugu soo baxaan mudaharaad lamase oga si ay u kasban doonto quluubta dadka reer Borama oo aad uga cadhaysan habdhaqanka xukumada silaanyo oo ku caan baxday xasuuq iyo gawrac lagula kaco dadka reer miyiga ah ee degan Bariga degmada Baki ee gobolka Awdal.