Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

General Dhoonbe Allaale Oo KaTirsan Dagaal-yahanka ONLF Oo Lagu Qabtay Keymaha Degaanka Somaalida

Monday - January 23, 2012

Addis Ababa- Dawlada dalka itoobiya ayaa daboolka ka qaaday in ay ciidamdeedu qabteen sarkaal sare oo ka  tirsanaa garabka milatariga ee jabhada ONLF Oo ka dagaalanta Bariga dalkaas, kaasoo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal ay toddobaadkan labada dhinac food isku dareen deegaanka  Soomaalida

Saraalka la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay General Dhoonbe Xirsi Allaale oo ahaa hawlgeliye sare, isla markaana maamulayay guuto si gaar ah u tababaran oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado dhulka Bariga fog ee deegaanka Soomaalida itoobiya, laakiin waxa aan la sheegin halka lagu hayo iyo in maxkamad la horgayn doono dhawaan.

Sarkaal ciidamada uga hadlay Magaalada Addis Ababa oo aan magaciisa la sheegin, ayaa warbaahinta dawlada u sheegay in ay soo dhaweynayaan qabashada Allaale oo ay u arkayeen in uu  caqabad ku ahaa degenaanshaha dhulka aan gacanta lagu dhigin, waxaana uu sheegay in ay ciidamada federalku ay ka qaybgeli doonaan waxa uu ugu yeeray hawlgalka xidiida loogu siibayo kuwa nabada cadowga ku ah.

Dhinaca kale  waxa  iyana burburay wadahadalo qarsoodi ahaa oo u dhexeeyey dawlada dhexe iyo jabhada ONLF,kuwaasoo ka dhacayay labadii bilood ee u dambeeyay wadamada Yurubta Galbeed iyo Maraykanka, la iskuna dayay in lagu soo afjaro colaado gaamurtay ee ragaadisay deegaanka Soomaalida .

Dawlada itoobiya, ayaa la sheegay in ay  ku gacansayrtay dalab ka yimid wakiilada jabhada oo ahaa in inta aan la gaarin wada xaajooyada rasmiga ah ee nabada in marka hore ciidamada dawladu joojiyaan dagaalada ka dhanka ah falaagada, waxaana ay taas u aragtay in ay majaxaabinayso awoodeeda milatari ee ay ku muquunaysay falaagada hadda ka hor.