Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Fu'aad Shangole Oo Huruuf Iyo Gacan Qaad U Geystay Afayeenka Al-Shabaab Cali Dheere

Tuesday - January 24, 2012

Mogdisho: ilo muhim ah oo jooga degaanka ceelasha biyaha Afgooye ayaa saxaafada ku wargaliyey in xarakada al-shabaab ay ku kala boodeen kulan muhim ahaa oo ka dhacay degaanka No 50 ee gobolka shabeelada hoose - Marka

kadib Waa markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay dileen Bilaal al-Badawi oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan al-qaacida joogta somaaliya ayey madaxda al-shabaab ku baaqeen kulan deg deg ah .. Kulankaasoo ayey ujeedadiisu ahayd in wax la iska weydiiyo qaabkii loo dilay al Bilaal al-bardaawi oo looga shakisan-yahay in ay ku lug leeyihiin xubno sar sare oo ka tirsan al-shabaab

Waxaa la sheegay in Khilaafka u cirka isku shareeray kadib markii ay shirku ka baxeen xubno u hogaaminaayo afayeenka al-shabaab shiikh Cali Dheere kaas oo diiday in wax laga weydiiyo qaabkii loo dilay Bilaal al-Bidraawi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaalada madaxda shabaab ay fadareysan-tahay oo ayba gaartay heer gacanta la isula tago gaar ahaan Shiikh Fu'aad shangole oo afhayeenka al-shabaab Sh. cali dheere gacan ula tagay taaso keentay in shirka buuq ku dhamaado.

Dadka ceelasha dega oo u kuur galay khilaafka halkaas ka taagan ayaa sheegaya in halkaas laga dareemaayo maanta is badal ka muuqda ilaalada madaxda al-Shabaab oo si weyn qaarkood looga shakisan-yahay

Kooxdaan oo ka arimisa inta badan konfurta Somaaliya ayaa waxa mararka qaarkood soo kala dhex gala khilaafka gel-gila dhexdooda ,laakin waxaa la rumeysan-yahay in markasta ay khlaafkaas damiyaan madaxda ajaanibta al-qaacida ee halkaas ku sugan