Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mr. Mahiiga Oo Ka Codsaday Shariif Sakiin Inu Xilka Gudoominimada Si Nabada Ku Wareejiyo

Wednesday - January 25, 2012

Muqdisho:(RT) Shariif Xassan Shiikh Adan ayaa Sida ay shegayaan warar hoose aan helnay oo ku dhow dhow Saraakiisha ku nool xarunta Villa Somaliya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay soo food saartay xaalad cakirnaan ah kadib markii culeysyo siyaasadeed ay saareen Saraakiisha Ciidamada Yugandha kuwaasoo u sheegay inuu si deg deg ah xilka u wareejiyo si looga baxo xaalada kacssanaan ah ee muddo uu ku jiray Howlihii Baarlmanaaka KMG ah.

Arintaan aya tilmaamtay in Ergyaga UN-ka ee Arrimaha Somaliya Mr. Augustina Mahiiga oo todobaadkii tagay si kedis ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho muddo labadood ahna kulan qarsoodi ah ah la yeelanaayay Mudane Shariif Xasan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka si uu ugu qanciyo inuu xilka si nabad ah uga dego ayaa la sheegay inuu ku fashilmay wanwaantasi, waxaana la sheegay in Xukuumada Yugandha ay u soo dirtay magaalada Muqdisho mid ka mid ah Sareeyayaasha Ciidamada dalkaasi si uu gudbiyo fariin uu ka siday Madaxweynaha dalkaasi oo aheyd inuu wakhti kooban xilka ku wareejiyo Mr.Shariif Xasan.

Mid ka mida Xildhibaanada Dowladda KMG ah ayaa laga soo xigtay in Mr.Shariif Xasan Sheikh Aden xilka iska dhiibi doono maalmaha soo socda, kadib markii culeyso ay saareen Sareeyayaash Ciidamada Yugandha, kuwaasoo horey ugu qasbay Mr.Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu xilka iska wareejiyo.

ugu danbeyntii wararka qaar ayaa shegaya in gudoomiye shariif xanuun lasoo darisay kadib markii oo ku kacay dhiiga waxaana lasheegay in oo aadi doono magaalada Nairobi si halkaas isuu daweeyo waxaana sidaas sheegay gacanyarayaashiisa u sheegay inuu xilka wareejin doono kaliyaha marka loo balanqaado inuu isaga soo xuli doono 50 Xildhibaano ee Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana hataan si xowli ah Xafiiskiisa uga socda diyaarinta Magacyada Xildhibaanada Beelahaasi uga mid noqon doono Xukuumada so socota, iyadoo balanqaadaasi la sheegay inuu ka aqbalay saaxiibkiis Mr. Mahiiga.