Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Adis Oo Ka furmay Shirki Wasiirada A. Dibada Afrika Loogana Hadlidoono Wixi Dhib Iyo Dheef Soo ....

Thursday - January 26, 2012

Addis Ababa: waxa manta Xarunta Ururka Midawga Afrika ee Addis Ababa ku qabsoomay shirkii labaatanaad ee Wasiiro Arrimo Dibadeedyada Afrika kaasoo lagaga hadlay xiriirka Dalalka Afrika iyo wixii dhib iyo dheef soo maray sanadkii 2011kii iyo qorshaha looga baahan yahay sanadka cusub ee 2012 ka.

Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Jong Bing oo furay kulanka manta ay yeesheen wasiiradda Arrimaha Dibeda ee Afrika ayaa sheegay sanadkii 2011-ku inuu ahaa sanad ay dalal badan oo Afrika ah ay soo food saartay xaalad madaw gaar ahaana dalalkii ay kacdoonadu ka dhaceen ee Afrika isagoo ugu baaqay in Nabadgelyada dalalkaas la soo celiyo.

Jong Bing waxa uu sheegay Sabtida in laga Furi doono xarunta Midawga Afrika Dhisme cusub oo Ururka loo dhisay kaasoo ay Maalgaliyeen Shiinuhu isla markaana lagu qaban doono shirarka Madaxweynayaasha Dalalka Afrika. Waxaanu ugu baaqay dalalka Afriki inay ka faa’iidaystaan Khayraadkooda si ay mustaqbalka uga kaaftoomaan taageerada dalalka kale.

Waxa kale oo uu ka jeediyay munaasibadaasi taageerada Ciidamadda Midawga Afriki ay ku taageerayaan sidii loo soo celin lahaa Xasiloonida iyo kala danbayntii Dalaka Somaliya halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Afrikaan ahi.

Xoghayaha Guud ee fulinta Ururka Midawga Afrika isla markaana ah Xogahayaha Gaarka ah ee guddida dhaqaalaha Mr Cabdalle ayaa ka waramay xiriirka dhinaca dhaqaalaha ee dalalka Afrika halka uu marayo waxaanu soo jeediyay Afriki inay dhinaca dhaqaalaha iskaga tiirsanaato isla markaana bulshadooda Horumariyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Falastiin Riyaad Al-maaliki oo isna ka hadlay Kulankaasi ayaa ka codsaday Midawga Afrika inay Reer Falastiin ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen dawlad Madax banana, waxaanu halkaas ka soo jeediyay tacadiyada iyo dhibaatada dadka reer Falastiin la kulma maalin kasta.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Dalka Itoobiya oo kulankaasi soo xiray manta ayaa ka waramay sida ay Dawladda Itoobiya mar walba u garab taagan tahay Dalalka Afrika waxaanu sheegay in ay soo dhaweynayaan Dhamaan dalalka Afrika oo dhan.

Kulankaasi kadib waxa ay Wasiiradda Ururka Midawga Afrika galeen kulan ay Albaadu u xidhnaayeen isla markaana ay kaga wada xaajoonayeen mustqabalka Arrimaha dibeda ee dalalkooda.