Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dhalashadi Nabigeena Maxamed NNKH .. Halgamaagi Malkom X Maxuu Ka Yiri Diinta Islaamka

Friday - Feb 3, 2012

Xuska Munaasibada dhalashadii Nabigeeni Maxamed SCW ayaa ku beegan maanta oo Sabti ah oo bishu tahay Rabiicul-awal, islamarkaana waafaqsan 4ta Bisha feb/ 2012,waxaana meelkasta ka socda hawlo la xariira xuska oo si weyn looga diyaar garoobayo Somalia iyo guud ahaan Dunida Islaamka.

Munaasibadaan oo ah mid Qiime wayn ugu fadhida dadka Islaamka ah maadaama ay tahay Habeenkii uu Dhashay Rasuulkeeni Suubanaa ee la inoogu soo dhiibay Risaalada Islaamka, isaga oo ahaa Rasuulkii ugu dambeeyey ee la soo diray uguna fadli badnaa Anbiyadii ilaahay umaddaha u soo diray oo dhan waxa lagu wadaa in la oogo Munaasabad iyo xaflado kala duwan oo socon doona ilaa maalinta sabtida iyo dalalka qaarkood oo munaasabadaas laga xusaayo maalinta Axada. 

Nabiga SCW waxuu ku dhashay Makkah al- Mukarama maalin isnin ah, sagaalki ama laba iyo tobankii biisha Rabiccul-awal oo ku aadan milaadiya biisha Abril 20-22/ 571 amase sanadki Maroodiga ee Ee u doonaayey Abraha inu dumiyo Baytka ilaahay SWT ee kacabada.

ilaahay SWT waxuu Nabi Maxamed SCW abuuray abuur aad u wanaagsan waxuu siiyey akhlaaq dhameystiran oo usan siin asaga mooye qof kale, waxuu ahaa mid dadko dhan ugu nasab wanaagsan uguna karaamo badan

Nabi Maxamed SCW waxuu lahaa akhlaaq iyo abuur u kaga horeeyey dadkii da'diisa ahaa .. waxuu ahaa dad midka ugu caqli badnaa ugu run badnaa, ila ay naaneystiisa noqotay al-amiin.

Nabi Maxamed SCW Waxuu ahaa mid aad u sama fal badan oo ixsaan sameeya, waxuu xiriirin jiray Riximka waxuu u gargaari jiray qofka dhiban, waxuu wax siin jiray qofka aan waxba haysan martidana wuu quudin jiray, qofkii balaayo soo gaartana wuu u gargaari jiray.

Marku Nabiga U dhawaaday afartan sano , waxaa bilaawday hor dhici Nabinimadiisa oo ku bilaawday Riyo Run ah .. Nabiga haddu Riyoodo riyadiisa waxaa loo arki jiray sidi iftiinka waabariga .. Nabiga SCW isagoo ku dhex jira godka Xiraa , kuna cibaadeysanaya waxaa u yimid oo ilaahay u soo diray malak Jibriil, waqtigaaso ahaayd bil Ramadaan .. Nabi Maxamed SCW waxuu akhriyey waxuu jibril CS u akhriyey sidaas ayuuna ahaa bilawgi waxyiga , da'da Nabiga kolkaasna waxay ahayd afartan sano.

Markuu Nabigu SCW Dhintay ka dib waxaa muslimiinta hogaamiyey Abubakar, kadibna Cumar, kadibna Cismaan, kadibna Cali kuwaaso ahaa khalifyadi hanuunsanaa ee Nabigu SCW ka dardaarmay in la raaco raadkooda waxuuna Nabigu SCW yiri" waxaa korkiina ah inaad raacdaan sunadayada iyo sunada Al-khulafaa Arraashidiin Al- Mahdiyiin kuna qaniina micyaha"

Islaamku kuma faafin seef iyo dagaal, laakiin faafidiisa waxaa la dhihi kara waxaa ugu wacnaa caqiido fuduud oo waafaqsan caqliga, sharci sahlan iyo inuu islaamku waafaqsan yahay dabeecadaha dadka iyo inu nidaaminaayo, hagaajinaayo wax kasto dadku u baahan yahay aduun iyo aakhiraba .. diinta islaamka waa xalka keliya

Waxaa xusid mudan buug u qoray halgamaagi weynaa ee mareykanka Malcom X kaaso oo marku ka soo laabtay gudashadiisi Xajka u sheegay Mareykanka Madow iyo cid kasta oo ka cabanaysa duudsi, kala sareyn iyo takoorid xalku inu yahay diinta islaamka oo ah hooyga sinaanta, cadaalada iyo walaaltinimada lagu waajibiyey qofkasta oo muslim ah.

Akhristow haybadnimada islaamka iyo sida islaamku ugu fiday dacalada caalamka iyo sida ay u hirgashay risaaladi Nabi Maxamed , waxaad si fiican u daremysa markaad xajka tagto oo la kulanto tiro malaayiin ah ummado kala nooca oo ka soo xajiyey dalka dibadiisa iyo guduhiisaba.

Dhamaan dadkaas baaxda leh waxaad la yaabeysa magac qura oo ay wada wadaagaan oo ah Xaaji/xaajiyad oo daboolay magacyadi hore la isku yiqiinay iyo kuwa kale lagu kasbado Xil, Xirfad ama Xoolo sida Boqor, Madaxweyne, Wasiir Janan, Takhtar, injineer iyo yeermo kasta oo aadamhu ku naaloodo .. dadki haybada lahaa, waxay magaca xaaji ay kala sinaayeen kuwo loo yiqiinay sabol, nafo, danyar, shaqaale hoosaad ..  markaan Xajka tagay waa qoraage waxaa qiiro lahayd sida u Nabi Maxamed risaalada ugu halgamay iyo dhibka u ka soo maray oo dabadeed waqtiga xajka aad kala kulanto Makka iyo Madiina sida loo cegaagsanyahay iyo hirarka daadka ah ee kolba sida daadka u soo rogmanaayey oo ugu loolameyney yoolka inaan sheeda ka halacsano humaaga Kacbada iyo dhagax Madow ama Qubada Rawdada cagaaran ee Qabriga rasuulka SCW. 

Hadaba Akhristow si aad uga qayb gasho munaasabada xuska Rasuulka Maxamed SCW waxaa kuu soo gudbinaya halkaan su'aalo u baahan inaad ka jawaabto oo darajadi aad ku haboontahay adigu isa siisid ajarna aad ku heleysid.

1-Waa kuma nabiga aabihiis waase tuma hooyadiis .. Goormu Nabigu Dhashay .. Meesheebuu Nabigu ku dhashay .. Goormu dhintay nabiga aabihiis .. Goormu dhintay Nabiga SCW .. Maxay ahayd shaqada Nabiga markuu yaraa .. Maxuu ahaa dagaalku uu nabiga ka qayb galay marku yaraa .. maxay ahayd Nenaasti loo yiqiinay Nabiga SCW .. tuma ahyd Khadiija bintu khuwayli .. sheeg magacyada caruurta khadiija ay u dhashay Rasuulka ilaahay .. maxuu ahaa magaca godki uu nabiga ku cibaadeysan jiray dhexdiisa .. maxuu ahaa Quraankii u horeeyey ee soo daga .. Yaa loo soo diray Nabiga SCW .. Sidee bey ku bilaabatay dacwada Rasuulka ilaahay .. maxuu ahaa camalkii u horeeyey ee nabiga falay markuu al-madiina gaaray ka dib ..Nabiga marku gaaray al-madiina yuu ku ag dagay .. maxuu ahaa magacii loo yiqiinay al-madiina islaamka ka hor .. waxaad sheegtaa sadex camal oo muhim ah oo nabigu qabtay markuu gaaray al-madiina .. sideybey ku dhamaatay dagaalki Badar .. meeqa ayey ahaayeen gaaladi lagu dilay dagaalki badar .. maxuu ahaa sababta keenay dagaalkii Uxud .. gormay dhacday dagaalkii Uxud .. meeqa ka shahiiday musllimiinta Maalinti Uxud .. kumu ahaa hogaamiyaha mushrikiinti Qureysh ee dagaalki Uxud.

2- Goormu dhacay dagaalki alkhandaq .. maxuu ahaa sababta dagaalki alkhandaq .. kumu ahaa ninki Nabiga kula taliyey in la qodo dhufeys .. gormu ahaa heshiiski al-xudaybiyah .. maxuu ahaa sababta keentay heshiiski alxudeybiyah .. goormay ahayd furashadi Makka .. goormu ahaa dagaalki Xuneyn .. goormu ahaa dagaalki Mu'tah .. kuwamay ahaayeen amiiradi sadexda ahaa ee lagu dilay dagaalkii Mu'tah .. Goormu ahaa duulaankii Tabuuk .. Goormu ahaa Xajkii sagootiga .. meeqa ayey ahaayeen musllimiinti Nabiga SCW la soo xajiyey .. maxaa xajkaas loogu magacaabay xajatul wadaac